SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dhul Cabirkiisu Yahay 150mx200m Oo Ku Yaala Dooxada Dhamuug Oo Maanta Loo Asteeyay In Laga Dhiso Kawaanka Casriga Ah Ee Boorama Laga Hirgalinayo Dhawaan

    Posted by Sawnews.tk on October 18, 2009

    kawaanka-boorama-7.JPGBorama-(Lug)-Maayarka Boorama, Salaadiin madaxda ciidanka nabadgalyada iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta axsaabta mucaaridka ayaa ka qayb galay maanta
     kala areegidii ugu dambaysay ee dhulka danta guud ah ee laga dhisi doono kaaanka casriga ah ee  ay yeelan doonto magaalada Boorama. Dhulkan maanta lala kala wareegayay ayaa waxa bixiyay muwaadiiniin reer Boorama ah oo uu magacoodu yahay Ilmo Yuusuf Axmed, waxana ay ku wareejiyeen Maayarka iyo Sul. Cabdiraxmaan Jamac dhawal oo isagu ah gudoomiyaha golaha u sareeya ee kawaankan.

    kawaanka-boorama-7.JPG

    Maayarka Boorama oo munaasabadan ka hadlay ayaa si wayn ugu mahadnaqay qoyska Ilmo Yuusuf Axmed oo uu sheegay in ay muujiyeen mawaadinimo xoogan isla markaana marti galiyeen kawaan casri ah oo ay magaaladu yeelato. Waxana uu balan qaaday inla fulin doono dhamaan shuruudihii ay ku bixiyeen qoyskaasi dhulkooda oo ay ugu horayso in ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee ka faa’iidaysanaya kawaankan. Maayarku waxa kale oo uu sheegay in dhismaha kawaankan cusubi uu noqondoono barta looga guurayo naqshad cusub oo ay yeeshaan dhulka degaanada dhamuug ee kawaankan laga dhisayo. Maayarku waxa uu aad u dhaliilay dadka qaar uu ku tilmaamay in ay qabsadeen dhul dawladu leedahay oo aanay 10naan sano ka bixin wax cashuur ah, waxa uu yidhi ” waxa la soo saaray xeerkii Lambar 17 ee dhulka kaasi ayaana cid walba kala saaraya. Looma baahna dhul la iska calaamadaysto oo kabibna lagu murmo, waxa aan beerahooda ka goynaynaa cida dhul aanay  sharci u lahayn bixisay. Mar uu maayarku ka waramayay kawaankan cusub ayaa waxa uu sheegay in uu soo afjari doono kawaano badan oo dad leeyihiin oo hilibka lagu qalo waxana uu yidhi cid aan sharciyayd u haysan qali mayso hilib kale waxana uu kawaankani noqon doonaa goobta lagu qalo hilib fayow oo bulshada laga iibiyo. Waxa aan ku faraxsanahay jeexida iyo calaamadaynta ugu dambaysa ee goobtan.

    kawaanka-boorama-2.JPG

    Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo munaasabadan ka hadlay aya isaguna ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray helidii dhulkan maanta loo qoondeeyay in lagu dhiso kawaankan waxana uu yidhi ” Halkan waxa aan ku nimid qadar eebe, hayada dhul badan ayaan soo tusnay oo la hibeeyay waxana ay na yidhaaheen halkan oo kaliya ayaa noqon karta ee ma hali kartaan iyaga oo sababaynaya doonidooda, anagu hal adayg ayaan muujinay manaanaan garanayn cida iska leh waanan calool adaygnay, waxa yeeshay ilmo Yuusuf Axmed meeshii mudo ayayna nagu qaadatay in aan ka dhaadhicino, wayna nala garteen arintaas. Waxa aan maanta sheegaynaa in qoyskaasi uu hanta ku wareejiyay tolkood isla markaana ay abaal dhigteen, waxana aan balan qaadaynaa in aan idiin karaamayno sidaad noo karaamayseen isla markaana idin gudoonsiino waxa ugu horeeya ee manfac ah ee ka soo baxa goobtan.

    kawaanka-boorama-3.JPG

    Mar uu ka waramayay suldaadku qaaabka uu kawaankani u wadan doono hawsha ayaa waxa uu yidhi ” waxa aan shaacinay dad maalgashada waxana ilaa hada soo codsaday 74 qof oo Arbacada soo socota ayaan kala saari doonaa waxana aan ku wareejindoonaa shacabka waxana uu noqon doonaa gooob ay maamulkeda hayaan shacabku.

    kawaanka-boorama-4.JPG

    Suldaanku waxa kale oo uu la hadlay hayadaha iska kaashanaya maalgalinta kawaankan waxana uu yidhi ” anagu waan soo helnay meeshii aad nagu xujayseen, waxana aan idinka rabnaa in shuruudihii oo adhan aad fulisaan oo y ugu horayso qodida ceelkii aad balan qaadeen ee aad halkan nagu keenteen, waxana aan maanta laga bilaabo idinka doonaynaa waxaad noo balan qaadeen.

    kawaanka-boorama-5.JPG

    Oday  Daahir Muruud oo ku hadlayay magaca qoyska bixiyay dhulkan ayaa isaguna ku adkeeyay odayaasha, maamulka gobolka iyo kan dawlada hoose in la fuliyo balanqaadyadii la qaaday waxana uu sheegay in aanay jirin cid ka baxaysa hawshaasi.

    kawaanka-boorama-6.JPG

    Siyai Axmed Muumun Seed oo isagu ka tirsan xisbiga Ucid oo maanta goob joog ka ahaa hawshan ayaa sheegay in danta guud ay tahay mida wax walba ka horaysa isla markaana loo baan yahay in la iska kaashado, waxa kale oo uu u mahad naqay qoyska Ilmo Yuusuf Axmed ooiyagu bixiyay dhulkan.

    kawaanka-boorama-8.JPG

    Dhulkan maanta lala kala wareegay oo uu cabirkiisu yahay 150mX200m ayaa waxa uu ku yaalaa dooxada dhamuug waxana uu magaalada buurama u jiraa wax aan ka badnayn 3km oo dhinaca bariga ah, waxana lagu wadaa in laga dhiso kawaan casri ah oo ay ku bixi doonto lacag gaadhaysa 100laal kun oo doolar waxana uu dhismuhu bilaaban doonaa sida uu maayarku sheegay bisha soo socota.

    kawaanka-boorama-9.JPG
    kawaanka-boorama-10.JPG

    Wariye:-

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: