SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale Oo Markii Saddexaad Dib U Soo Celiyay Gabadhii KULMIYE U Xulay Komishanka Iyo Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Xaalada Guddida Doorashooyinka.

    Posted by Sawnews.tk on October 17, 2009

    riyaale2Hargeysa(Sawnews) – Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii saddexaad xisbiga KULMIYE dib ugu celiyay gabadhii xisbigaasi u soo xulay xubinimada Komishanka cusub ee doorashooyinka, oo la yidhaahdo Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac.

    Sidaasi waxa shabakada Ramaasnews u xaqiijiyay masuul ka tirsan xisbiga KULMIYE waxaanu Madaxweynuhu ku adkaystay in gabadhani ay tahay mid ka tirsan oo ka dhex muuqatay saaxada xisbiga, loona baahan yahay qof ka madax banaan asxaabta. waxaanu sida masuulkaasi noo sheegay in Madaxweynuhu uu qoraalkiisa ku xusay in isaguna aanu saddexda xubnood ee uu soo xulayo ku dedaali doono inay noqdaan dad aan xisbigiisa ahayn.

    Xisbiga KULMIYE ayaa dhawaan sheegay haddii Madaxweynuhu marka saddexaad ku soo celiyo xubintan ay u arkayaan in Madaxweynuhu ka baxay heshiiskii lagu soo afjarayay khilaafaadka siyaasiga ah.

    Dhinaca kale, Guddoomiya Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay in sida ugu dhakhsaha badan uu ugu gudbiyo Golaha Wakiilada xubnihii loo soo xulay Komishanka cusub ee doorashooyinka.

    Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta Saxaafada ugu waramayay xafiiskiisa waxaanu yidhi “Waxa weeye Madaxweynaha ha noqoto, axsaabta ama ha noqoto Golaha Wakiilada in la dedejiyo komishankii cusubaa, si doorashadiina si deg deg inoogu qabsoonto. Nuxurkii heshiiskiina wuxuu ahaa inaynu heshiino oo wixii hore ilowno, ayaan anigu qabaa.”

    Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuu sheegay in wax dhibaato ahi aanay ka iman laba xubnood oo Guurtidu ay u magacaabeen xubinimada komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: