SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xuska Maalinta farxalka iyo Shuban Biyood Ka Dilaacay Degmooyinka Lughaya iyo Baki

    Posted by Sawnews.tk on October 16, 2009

    Hargaysa(Waaheen) Xuska maalinta faraxalka aduunka oo  15-ka bisha October sanad walba dunida laga xuso  ayaa maanta laga xusay guud ahaanba dalka Somaliland gaar ahaana caasimada hargaysa.

    Munaasibadan lagu xusayay maalinta faraxalka aduunka oo ay soo qaban-qaabisay wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa lagu qabtay gudaha dugsiga hoose dhexe ee sheekh bashiir ee magaalada hargaysa.

    Xafladani lagu xusayay maalinta faraxalka aduunka ee maanta lagu qabtay caasimada hargaysa,ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday wasaarada waxbarashada Somaliland oo iyadu munaasibadan soo qaban-qaabisay,saraakiil ka socday hayada UNICEF,madax ka socday wasaarada caafimaadka Somaliland gaar aahaana qaybta faya dhawrka,xubno ka tirsan hayada TBO,marti sharaf kale iyo sidoo kale ardayda wax ka barata dugsigaasi sheikh bashiir.

    Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada somliland cali cabdi odowaa oo maanta xafladaasi hadal ka soo jeediyayay ayaa ka waramay qiimaha ay maalintani u leedahay bulshada,isaga oo xusay in in ay maalintani tahay maalin caalami ah oo dunida oo dhan laga xuso,isaga oo intaasi ku daray agaasimuhu in nadaafadu ay tahay qayb ka mid ah diinta.

     Ugu horayn waxa uu agaasimuhu ka hadlay qiimaha ay maalintani ledahay hadaladiisiina wxa ka mid ahaa “ maalintani waa maalin caalami ah aduunka oo dhan baa maanta laga xusayaa waa maalin loo magacaabay la iskuna ogolaaday in loo magacaabo maalinta faraxalka aduunka,markaa inaguna caalamka ayaa aynu ka mid nahay,sida runta ah Somaliland sanadkii 2008-da yaa Somaliland laga xusay, taasina waxa ay ku tusaysaa in somalialnd ay caalamka ka mid tahay,lana socto hor umarkiisa iyo talaabooyinkiisaba.

    Mida kale munaasibadu waa faraxal,faraxalkuna waa diini oo diinteena islaamka yaa ina faraysa,( al nadaafatu nisfu diin baa la yidhi) markaa ubad ka yar yare waa in aynu ku taba-barno nadaafada waana midh waajib ah,sidaas darteed ayaanu u aragnaa in ay tahay shay muhiim  ah,faruhuna had iyo jeer waa kuwa meel walba taabta,waana kuwa soo qaada jeermiska,gacmahana waxbaa lagu cunaa,markaa gacantii aynu wax ku cunaynay hadaynaan ka fikirin in jeermis la socdo oo aynaan ka taxadirin isla markaana aynaan biyo iyo saabuun ku faraxalan khatarteeda ayay leedahay,

    Sidaas darteed ayaynu iskugu sheegaynaa faraxalku inuu yahay shay muhiim ah diiniyana ah waana aynu ku dhaqmi insha allah”

    Waxa uu intaas ku daray agaasimuhu in munaasibadani maalinta faraxalka aduunku aanay hargaysa oo keliya ka dhacaynin,balse lixda gobo lee Somaliland-ba ay ka dhacayso oo laga xusayo maalintani aad u muhiimka ah “ waxaan idiin sheegayaa munaasibadani maanta kama dhacayso gobolka maroodi jeex oo keliya laakiin somaliland oo dhan ayay ka dhacaysaa lagana xusayaa waxaan odhanlahaa saxaafada waa in aad munaasibadi si aad ah u bahisaan si inteena halkan joogta maahee dadka kale oo dhamina ay u ogaadaan in faraxalku muhiim yahay halkaana laga qaato”

    Masuuliyiintii kale ee maanta halkaasi ka hadashayw axa ka mid ahaa cali shekh oo isagu ka socday waaxda fayadhawrka ee wasaarada caafimaadka somalialand oo halkaasi ka sheeagay in loo baahanyahay in la ogaado qiimaha ay maalintani u leedhay bulshada reer somliland.

    Oo ka ah sarkaal ka socday hayada UNICEf oo isna si aad ah uga warmay sida loogu baahanyahay in la ilaaliyo laguna da,daalo nadaafada gaar haana faraxalka.

    Dhinaca kale sida uu xaqiijiyay Madaxa Caafimaadka aasaasiga ah ee gobolada Awdal iyo Salal  Dr. Maxamed Cumar X. Yaabe, cudurka shuban biyoodka ayaa ka dilaacay degaamada Carawareen iyo Fardo-laguxidh oo ka tirsan degmada Baki iyo deegaamada Cabdi-geedi iyo Beeya-garaaca oo degmada Lughaya ah.

    Waxa kale oo uu sheegan Dr. Yaabe in tirada dadka uu cudurka shuban-biyoodku haleelay ay dhan yihiin 88 qof oo isugu jira 16 caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5 jir, 27 kalena waxa ay ka yar yihiin 15 jir halka 45kalena ay yihiin dad waawayn oo iskugu jira rag iyo dumar.

    Waxa kale oo uu sheegay in xaalada dadkani ay tahay mid aad u khatar ah isla markaana ay arinta sii murgisay roobab xoogan oo deegaamadan ka da’aya iyada oo ay abaaro xoogani ka jireen sanadihii u dambeeyay deegaamadaas. Waxa kale oo uu xusay in ay deegaamadan u direen kooxo gurmad caafimaad ah oo dawooyin ah balse aanay xaaladu ka sii darayso isla markaana ay gabaabsi tahay oo aanay ku filnayn dawooyinka iyo gargaarka uu fidin karo xafiiska caafimaadka ee goboladani.

    Cudurka Shuban Biyoodka ah ayaa ka dilaacay degaamadan 10kii bishan. Waxaanay wararka kale ee xaaladan khuseeyaa ay sheegayaan in degaamada Kalawle laga soo sheegayo iyagana in cudurku uu ka dilaacay mar kale

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

    %d bloggers like this: