SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Oo 20 Arday Oo Ka Qalin-jebiyay Culuunta Saxaafada Shahaadooyin Gudoonsiiyay

    Posted by Sawnews.tk on October 16, 2009

     Hargaysa (Sawnews)- Wasiirku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Ismaaciil Muxumed Madar, ayaa 20 Arday shahaadooyin gudoonsiiyey oo ka qalin-jebiyay culuunta saxaafada Gudoonsiiyay, kuwaas oo muddo lixbilood ah ku baranayay Machadka Sito College ee Magaalada Hargeysa.

    Xafladaas loo sameeyey Ardaydan baratay culuunta Saxaafada ee shahaadooyinka la gugudoonsiiyay oo lagu qabtay xarunta ururka SOCSO ee Hargeysa, ayaa waxa kasoo qayb galay  Wasiirku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Ismaaciil Muxumed Madar, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Maamulka Machadka Sitco College, Waalidiin iyo marti sharafkale oo tiro badan.

    Abwaanka Caanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo xafladaasi ka hadlay ayaa halkaas ka soo jeediyey hadalo iskugu jira waanooyin, hogo-tusaalayn iyo dhiirigelin, ayaa ku dheeraaday waxyaabaha looga baahan yahay suxufiga.

    Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi waxa uu tilmaamay muhiimadaay ay leedahay warbaahintu wakhtigan casriga ah, ee lagu jiro, isaga ootibaaxay in warbaahintu ay tahay awooda afraad ee dalkasta leedahay. waxa uu sheegay in looga  baahan yahay qofka weriyahadoonaya inuu noqdo qof Geesi ah, amaano xifdi leh, oo aan laaluushqaadan, qof sheega markasta  xaqiiqda dhabta ee uu soo weriyanayo.

    Waxa kale oo uu Abwaanku intaasi ku daray in suxufiyiinta looga baahanyahay in ay waxbaraan bulshada isla markaana aanay marwalba awoodasaarin siyaasada balse, ay ku dedaalaan sidii looga warami lahaaarrimaha bulshada iyo kobcinta afkaarta dadweynaha.

    Macalinka wax barayay Ardayda dhamaystay culuunta saxaafada Faysal Maxamed Cabdi (Faysal Fadhfadhle) ayaa ka waramay muddii ay ardaydaasi ay baranaysay isaga oo sheegay in ardaydaasi bartay culuunta saxaafaduqaybaha duwan.

    Faysal Fadhfadhle waxaa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay saxaafaduoo uu sheegay in ay tahay awooda afraad e ay leeyihiin dawladuhu waxaanu xusay  in ay qayb weyn ka qaadato horumarinta dimquraadiyadaiyo sidii dadweyuhu ay si xor ah ay fikirkood u cabiri lahaayeen.

    Waxaanu uu intaasi ku daray Faysal Maxamed Cabdi inuu soo saaraysuxufiyiin badan,kuwaas oo ka hawl gala wakhtigan qaybaha kala duwanee warbaahinta dalka, waxaanu ka dhawaajiyay inuu sii wadi doonotababarada uu siiyo ardayda islamarkaana uga faa’iidayn lahaaaqoontiisa dhinaca saxaafada.

    Oodweynenews.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: