SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ciidanka Booliska Somaliland Oo Sheegay Inay Baadhayaan Meelihii Ay Bartilmaameedsanayeen Laba Nin Oo Burco Lagu Soo Qabtay

    Posted by Sawnews.tk on October 16, 2009

    “Agabkan lagu soo Qabtay Waxay la mid Yihiin kuwii lagu Qarxiyay Magaalada Hargeysa” Gen Maxamed Saqadhi Dubad

    Gen Maxamed Saqadhi Dubad

    Gen Maxamed Saqadhi Dubad

    Hargeysa(Sawnews)  – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa daboolka ka qaaday inay ku hawlan yihiin baadhis qoto dheer oo ay ku hayaan laba nin oo uu sheegay in Salaasadii Boolisku ku soo qabteen Magaalada Burco ee gobolka Tog-dheer.

    Taliyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay kulan  Balaadhan  oo uu maanta  saraakiisha ciidanka Booliska kula yeeshay xarunta taliska guud ee  Booliska, halkaasi oo lagu soo bandhigay agabkii lagu soo qabtay labadaas nin, ka dib markii Boolisku ay ugu dhaceen Guri ay deganaayeen oo ku yaalay Burco. Waxaana agabkaasi ka mid ahaa dabooyinka baasuukeyaasha, rimuudo, baytariyo, waxyaabo dareere ah, qoraaladii ay ka tix-raacayeen isku darka walxaha ay samaynayeen iyo cajaladaha rikoodhka oo aad u badan.

    Taliyaha Booliska, ayaa saraakiisha uga waramay labadan nin ee Burco lagu soo qabtay, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay abaabulayeen qaraxyo laga fulin lahaa magaalada Burco, waxaanu intaasi ku daray in labadan nin oo ku xidhan Magaalada Hargeysa ay ku socoto baadhis qoto dheer oo lagu xaqiijinayo meelaha ay bartilmaameedsanayeen iyo qorshahoodaba.

    Gen. Maxamed Saqadhi wuxuu Ciidanka Booliska ee  Burco ku ammaanay dedaalka ay ku soo qabteen nimankaasi, waxaanu guud ahaan ciidanka Booliska Somaliland ugu baaqay inay  aad uga feejignaadaan arrimaha halista ah ee xiligan ku soo kordhay mandaqada.

    “Agabkan lagu soo qabtay waxay la mid yihiin kuwii lagu qarxiyay Magaalada Hargeysa oo kale nasiib wanaag nimankan iyagoo waxan ay sameynayeen aan dhamaynin ayaa ciidanka Boolisku qabtay,waxaan idiinku soo badhigay in aad aragtaan oo aad fahantaan waxan halista ah ee nimankan muwaadiniinta sheeganayaa haddana uu doonayo inuu ummadda dhibaato ugu geysto oo uu baa’biiyo,”Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku waxaanu saraakiishaasi ku amray inay dedaal iyo feejignaan adag ku gutaan waajibaadkooda ciidanimo ee ay u hayaan dalka.

    source Ramaasnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: