SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Bilowgii Fanka Ruun Xaddi Saban Iyo Arragtideeda Fanka Maanta

    Posted by Sawnews.tk on October 16, 2009

    “Anigu waxa aan soo galay fanka sanadkii 1976-kii, laakiin da’dayda sheegi maayo wakhtigaa inta aan ahaa……”

    altHargeysa(Sawnews)-Fanaanada wayn ee reer Somaliland Marwo Ruun Xaddi Saban, ayaa walaac xoogle ka muujisay marxada uu wakhtigan ku sugan yahay fanka Somaliland, oo ay ku tilmaantay inuu dib ugu noqday heerkii uu marayay markii uu soo bilaabmay, iyada oo si aad ah u dhaliishay fanaaniinta yar yar ee dib u soo qaada heesaha hoboladii hore.

    Ruun Xaddi Saban,  waxa kale oo ay sheegtay in xukuumada Somaliland ay had iyo jeer Wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska u soo magacawdo masuuliyiin aan aqoon u lahayn Fanka iyo fanaaniinta, iyada oo tusaale u soo qaadatay masuul ay magaciisa qarisay oo ay sheegtay inuu ku yidhi fanaaniintaba waxa aan ka aqoonay Meecaad Miigane, oo aan wakhti hore ku arkay Magaalada Xamar.

    Fanaanada oo shalay u warantay Wargeyska Geeska Afrika, iyada oo joogta Magaalada Hargeysa, ayaa waxay faahfaahin dheeraad ah ka bixisay xiliyadii ay fanka soo gashay, heesaha ay qaado iyo mustaqbalka fankeeda, iyada oo ugu horeyn ka hadlaysa fanka iyo sida uu ku soo bilaabmay iyo halka uu marayo xiligan waxa ay tidhi “Fanku maanta waxa uu marayaa halkii uu ka soo bilaabmay, inkasta oo aanan garanayn haddana cidna da’da ma  jecla, laakiin waxa aan garanayaa inuu meel cidhiidhi ah oo xun oo qaab daran ka soo bilaabmay, dadbaana u soo halgamay oo soo gaadhsiiyay heerkan, waayo wax aan loo halgamin ma wanaagsanaadaan, markaa fanka waa loo soo halgamay, dhibaato ayaa lala soo maray, qolyaha aan anigu ka mid ahay ayaa lagu soo simay isaga oo sharaf leh, oo halkii awal laga nixi jiray marka ay inantu fanka gasho, lagu farxo ayaa la soo gaadhsiiyay oo aan aniguna soo galay.”

      alt

            Fanaanada:  Ruun Xaddi Saban

     

    Marwo Ruun, oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa intaa ku dartay oo ay tidhi “Markaa mushkilada hadda haysataa waxa weeyaan, fanaanka waxa fanaan la odhan karaa marka uu midho cusub oo aan cidi uga horeynin iyo laxan cusub oo aan cidi ugu horeynin, hees aan cidi hortii qaadin marka uu qaado ayuu fanaan noqon karaa, laakiin qof waliba wuu ku heesi heesihii Xasan Aaden iyo kuwii Sahra Axmed sidoodii ayaana loo qaadi karaa, waayo waa wado hortood la maray oo banaan oo jeexan oo toosa markaa waxa aan odhan lahaa qofka qaadaya hees aanu lahayn fanaan maaha.”

    Fanaanada oo ka hadlaysa wakhtiga ay fanka soo gashay iyo da’deedu wakhtigaa inta ay ahayd, ayaa tidhi “Anigu waxa aan soo galay fanka sanadkii 1976-kii, laakiin da’dayda sheegi maayo wakhtigaa inta aan ahaa, laakiin waad qiyaasi kartaa marka aad wajigayga eegtaan hadda sida uu yahay, laakiin anigu isku cadayn maayo, si kastaba ha ahaatee qofku marka uu fanka soo galayo 15 jir inuu ka waynaado maaha.”

    Ruun Xaddi Saban oo hadda ka mid ah fanaaniinta qaranka ee hoos taga Wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska, ayaa waxa ay layaab ka muujisay da’da ay fanaaniinta qaarkood fanka ku bilaabayaan “Nin wayn oo bidaar leh ayaa ku odhanaya imika ayaan fanka soo galay, oo heeso dad leeyahayna qaadaya, markaa fanku aad ayuu u ayaandaran yahay maanta.” ayay tidhi Ruun. iyada oo sii hadlaysana waxa ay intaa sii raacisay “Fanku waxa uu ka bilaabmay woqooyiga oo iyadu murtida iska lahayd, Koonfurtuna waxa ay iska lahayd miyuusiga, maantana fankii waqooyi ka bilaabmay lagama yaqaano, wax is badalayna ma garanayo, dawladu ma garanayso oo dadwaynuhu ma garanayo, dawladu ma taqaano oo marba waxa la keenayaa mid aan noloshiisaba fanaan arag. Mid beri Wasiir la nooga soo dhigay Magaciisa sheegi maayee ayaa waxa uu igu yidhi fanaan socdaba waxa aan arkay Meecaad Miigane oo aan Xamar ku arkay, kiibaa Wasiir la nooga soo dhigay ee maxaynu iswaydiinaynaa oo uu na odhanayaa.”

    Fanaanada  Ruun Xaddi, waxa kale oo ay ka hadashay heesaha ay qaado kuwii ugu horeeyay “Heesahayga kuwii ugu horeeyay haddii aan idiin sheego, inkasta oo ay jiraan qaar aan ilowsanahay oo mid tahay “U jid bixi dhibaatada daacada lama jikaaree”, laakiin heeskii iigu horeeyay ee uu soo baxa oo hirgala oo aan caan ku noqday waxa uu ahaa sanadkiii 1991-kii xiligii la kala qaxay ayaan Idaacada Codka nabada Istuutyaheeda aan ku qabtay, waxaanu ahaa “Dhanbaalada soo diroo dhagaha uun igala soco”, laakiin waxa jiray hees waxaas oo dhanba ka horeeyay oo aan geesi tol waayay aan kula baxay anigu xagga fanka, taas oo uu ii sameeyay abwaan la yidhaa Jaamac Daad, ahaydna hees mucaarad ah oo ka hadlaysay laba kaclayntii kacaanka, dabadeedna heeskii ayaan qaaday taariikhduna waxay ahayd 1982-1983-kii, heeskaana Imtixaan badan ayaa iga qabsaday, aniguna waxa aan diiday inaan sheego abwaankii heesta sameeyay, erayada heestaana waxa ka mid ahaa

     “Waxaan sida xiid lamaan

     Habeenkii ladis u waayay,

    Waxaa sida laamalowshaha

    Dabayluhu ii lulaan,

    Dhibane lur qabaan ahoo

    Looliyo udub iyo Lamaanaan

    Lababa isku keeni waayay,

    Jacayl igu liil galoo

    Labiyo toban iyo shan sano

    Lug iyo jeeni igu hayaa

    Laaciisoo soo dhawaaday

    Ladnaanta markaan filaayay

    Haddana igu laba kacleeyay,

    Laabtii kalgacayl qabtiyo

    Waan waaniba leexatee

    Lugeey biyo waa miyaa”

    markaa hees aad u qaawan ayuu ahaa.”

    Intaa ka dib waxa aanu sii waydiinay su’aalo la xidhiidha heesaha ay qaado kuwa iyadda khuseeya gaar ahaan heesta Dhanbaal. Waxaana hadalkeeda ka mid ahaa iyada oo heeskaas ka hadlaysana ay tidhi. “Horta heeskaas hortiin la ima waydiinin, aniguna ma jecli inaan sida uu yahay uga sheekeeyo, heeskaas sanadkii 1987-kii aniga oo Magaalada Abu Dubai u socda , ayaa aniga la ii sameeyay, waxa sanmeeyay Cabdilaahi Yuusuf Hanuuniye, aniga ayuuna ii sameeyay maadaama oo aan dhoofayay, dabadeed anigii ayaa qaaday, markaa idinku (Wariyayaasha) meelaha banaan buuxsada.”

    Fanaanadu waxa ay ku dooday in aan fanka laga bixin ee haddii ay dhacdo masraxa uun laga nasto. Waxaana hadalkeeda ka mid ahaa mar mudada dheer ee ay ku soo jirtay in la gaadhay waqtigii ay ka nasan lahayd oo ay tidhi. “Horta ILAAHAY ayaa og waxa ay ku dambayn doonto, laakiin mid ayaan idiin sheegayaa haddii aad maqashaan fanaan leh fankii ayaan ka baxay been ayuu u sheegayaa dadka, hana iga raali ahaadaan fankii ayaanu ka baxnay, fanku maaha shaqo aad ku jirtay oo aad ka baxayso, waxa weeyaan wax dhiiga qofka ku abuuran weeyaan, waxa uu odhan karaa Masrixii ayaan ka nasanayaa, laakiin fankiii ayaan ka baxay ma odhanayo, waayo wa hibo gaar ah oo uu ILAAHAY siiyay, hibooyinka ILAAHAY bixiyuuna ka mid yahay, markaa anigu inaan masraxa ka yar nasto mooyaane waan ka baxayaa marna afkayga laga maqli maayo.” Ruun waxa ay ku dooday in hadalka wanaagsan aanu danbi ahayn, iyada oo hadalkeedii sida wadata waxay tiri “Hadalka ka xun ayaa dambi ah, heeskana ka xun waa laqwi, laakiin markaan nabada iyo dhaqanka ka hadlo waa ay wanaagsan-yihiin”

    Boramanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: