SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • BAROORTU ORGIGA KA WAYN by: Mohamed Mouse

    Posted by Sawnews.tk on October 16, 2009

    hand writingWaxay dadka Somaliland filayeen in madaxda mucaaridku qaboobeen oo ay runta u soo noqdeen. Haseyeeshe, madaxda Kulmiye waxay bilaabeen wixii ay caadada u lahaayeen oo ah diidmo wax kasta oo sharciga wadanka u yaala ku salaysan.

    Sharciga xulitaanka Gudida Doorashooyinku wuxuu sheegayaa in qofka ka mid noqonaya Gudida aanu ka mid ahayn xubnaha taliska xisbiyada. Madaxda Kulmiye iyaga oo og shuruudahaas ayey soo doorteen gabadh sida la sheegey meel sare kaga jirtay Xisbiga Kulmiye iskuna dhowyihiin Siilaanyo isaga oo filaayey in dumar ahaan lagaga xishoodo. Siilaanyo wuxuu ugu tala galay xulitaanka gabadhaasi in u moron iyo khalkhal geliyo fulista lixdii qodob ee lagu khasbay in u ogolaado. Aniga oo aan kolanba ku masilayn Siilaanyo in u yahay doofaar waxa qabsanaysa mahmaadan somaaliyeed: Doofaar abidkii ma daahiro. Nin aan doonayn in aan nabad ku nolaano oo Somaaliland doorasho xalaalihi ka dhacdo samaan shaqo kuma leh.

    Xisbiga Kulmiye ee rag iyo dumar cilmi iyo siyaasadba leh ay ka buuxaan sababta keentay inuu ku adkaysto gabadhaas waa arin inaga da’wayn.  Wuxuu u badheedhay in u jabiyo heshiiskii u sexeexay uu sabab uga dhigo gabadhaas xeerka u yaala Xulista Giddida Dooorashooyinku diiday. Qoraal aan mar hore qoray oo cinwaankiisu ahaa “IT IS EASIER SAID THAN DONE” ayaa dhaboobay. Siilaanyo wuxuu ku sifoobay mahmaadan: HABAR DHALIWAYDAY ALEELO KU WAALATAY.

    Siilaanyo haduu daacad u yahay Somaliland iyo dadkeedaba maxaa u diiday inuu u sabro geedigan inagu dheeraad ee isaguna u seta jiidaayo malinba malinta ka dambaysa. Moron iyo diidmo aan sal lahayn ayaa ina daaliyey ee maxaa inoo tala ah? Tallo waa ta Illaah. Waxay iila egtahay in dadka qaarkii u baahan yahay dabiib iyo Quraan saar. 

    Siilaanyo iyo Rayaale waxay noqdeen dab iyo dhax la iskuma dhiftee kala dhawra. Bir-labta hadii labo kala jinsi ah la isu keeno way kala boodaan. Silaanyo isaga ayaa Rayaale u seta dheeraya. Rayaale tekistiisu waxay ku xidhan tahay dooraasho xalaal ah ee kuma xidhna diimamada joogtada ah. Kolba arin dundun ah ayuu Siilaanyo ka dhigaa buur. Maxaa u diiday in shacbiga badan ee taageera ee u ka sugaayo cod inuu kasoo xullo qof kale ee uu ugu dhegen yahay gabadha? Jawaabta waxan ka sugaynaa Siilaanyo iyo inta taageerta.

    Mohamed Mousa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: