SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Siilaanyo iyo Madaxweyne Rayaale oo mar labaad isku Celceliyey gabadha uu kulmiye Komishanka u magacaabay

    Posted by Sawnews.tk on October 15, 2009

    Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE oo ka biyo Diidsan Celcelinta Siilaanyo ee Gabadhan

    Hargeysa (Sawnews) – Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii u horraysay ka hadlay xubinta xisbiga KULMIYE u soo xulay Komishanka doorashooyinka ee cusub Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, oo uu ku tilmaamay inay ku jirto Guddida fulinta ee xisbigaasi soo magacaabay.

    Madaxweynaha Somaliland oo Madaxweynaha Somaliland oo shalay u waramayay Laanta Af-soomaaliga ee VOA. Shalay mar  la weydiiyay halka uu marayo hirgelintii heshiiskii hindisihiisa ay soo jeediyeen beesha caalamka ee lagu soo afjarayay khilaafaadka dalka ka jiray wuxuu yidhi “Horta imika xulistii Komishanka doorashooyinka ayaanu ku jirnaa maadaama oo Komishankii hore fududeeyeen markii la gartay inay shaqada baneeyaan iyaguna si geesinimo ah ayay u baneeyeen xulashadii Komishanka cusub ayaanu ku jirnaa, komishankaa oo nalaga rabo dhammaantayo Aniga oo Madaxweynaha ah, xisbiyada iyo cid kasta oo sharcigu siiyay inay cid soo magacowdo shuruudaha looga baahan yahay inay xubnaha komishanku buuxiyaan oo ah inuu qofkaasi dhex dhexaad ku sifoobo, inaanu dambi galin iyo qof xisbi taageersan inaanu ahayn.”

    Madaxweyne Rayaale oo la weydiiyay wuxuu ku diiday xubnihii xisbiyada mucaaridka ah iyo Golaha Guurtidu ay u soo xuleen Komishanka cusub ee doorashooyinka wuxuu yidhi “Horta UCID iyagu way soo bedeleen  oo way iska dhammaatay, Anigana saddexdii aan magacaabayay waa iska diyaar. Xisbiga KULMIYE gabadh Guddida fulinta ku jirta oo saxaafadaba ku qoran ayay ii soo gudbiyeen, iyagana wada hadal ayaa nooga socda bal in Gabadh kaleba lagu soo bedelo oo lagu soo xulo.”

    “Shuruudihii looga baahnaa waxa la yidhi qofka xubinta Komishanku waa inaanu xisbi ka dhex muuqan, markaa Anigu waxaan leeyahay xisbi ayay ka dhex muuqataa” ayuu yidhi

    Md. Rayaale oo ka jawaabayay su’aal ahayd aragtidiisa ku wajahan in Nairobi uu ka furmayo shir ay ku yeelanayaan xubno ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag barri iyo Buuhoodle, oo arrimaha ay ka shirayaan ay ka mid tahay in Somaliland ay hor dhigaan shuruud ay wax ku heli karaan oo danahooda la xidhiida, wuxu yidhi “ Dadka Somaliland magaalo aanay joogin dad leh waxaanu aaminsan nahay Soomaliya ma jirto illaa ta ugu galbeedaysa, kuwa dhexe illaa gobol kasta, ilayn mar baanu Soomaaliweyn ahayne. Horta kuwaas ayuun bay ka mid yihiin qoladaasi Nairobi ku shiraysaa, talladuse waxay ka go’daa kuwa dhulka jooga.”

    Madaxweynaha oo la weydiiyay inuu ka dagayo kursiga haddii laga guulaysto doorashada soo socota, wuxuu yidhi “Haa, horta doorashada Anigaa dalka ka bilaabay, wax kaleba ha la igula murmee doorasho la igulama murmi karo. Anigoo siddeed bilood jooga ayaa la igu yidhi saddex sanadood dib ha loo dhigo oo ha laguu kordhiyo, waxaan noqonayaa ninka markaba tiriya ee sida ugu sharafta badan u tiriya ayaan noqonayaa.”

    Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo dhaweeyay furitaanka mowjada FM-ta ee Idaacada VOA-da.

    Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna shalay faah faahin ka bixiyay xubinta ay u soo xuleen Komishanka cusub ee Madaxweyne Rayaale labada jeer dib u soo celiyay. Waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi kooban oo uu siiyay laanta Af-soomaaliga ee idaacada VOA. Waxaanu yidhi “Anagu waxaanu magacownay Gabadh Anagoo eegayna (Gender)-ka,waxaanu magacownay gabadh mutacalimad ah oo xilkaas iyo waajibaadkaas ka soo bixi kara Madaxweynaha ayaa laba jeer soo celiyay,anagoo waliba kala hadalnay oo ku nidhi gabadhaasi u gudbi Golaha Wakiilada Somaliland.wuxuu nagu yidhi waa xisbigiina waxaanu ku nidhi xisbigayaga ma ahee xisbigayaga waxay ka tagtay muddo hore dano iyo hawlo ay leedahay. Waxaanu u aragnaa inay gardaro ku tahay heshiiskii aanu galnay iyo dedejinta hawlaha.”

    Md. Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay inay haddana markii labaad iyaguna ku celinayaan Madaxweynaha Xubintan oo la yidhaahdo Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, wuxuu yidhi “Waa Tan warqadii I hortaala hadda ayaa la keenay, taas talladeedii hadhow ayay noqonaysa oo waanu ka tashanaynaa  imika Anagu dhammaadka (Conclusion)-ka ku boodi maayo ee waxaan kuu sheegayaa siday wax u dhaceen.”

    Hadaba sida la sheegay arrintani waxa ay walaac ku abuurtay tageerayaasha Kulmiye oo is weydiinaya sababta uu gudoomiyuhu ugu adkaysanayo magacaabista Xubintan oo uu Markii sadexaad ku celiyey madaxweynaha, iyadoo uu awoodayo inuu cidkale magacaabay.

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: