SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Cadaalada oo dhisay Gudida Heshiiska Caalamiga ah ee Daryeelka iyo Xuquuqda Caruurta.

    Posted by Sawnews.tk on October 15, 2009

    Hargeysa (Sawnews) Wasiirka Wasaarada Cadaalada  Mudane Axmed Xasan Cali Casoowe ayaa ku dhawaaqay dhismaha Gudi farsamo oo ka talisa Heshiiska Caalamiga ah ee Daryeelka iyo Ilaalinta Xuquuqda Caruurta, kaasoo Somaliland ay isku diyaarinayso sidii ay u sexeexi lahayd, iyada oo ay hore Dalalka Aduunku u saxeexeen marka laga reebo Maraykanka iyo Somalia .;

    Gudidan Wasiirka Cadaaladu ku dhawaaqay  waxay ka kooban yihiin, Wasaaradaha Cadaalada, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta iyo Hay’adaha UNICEF, SCF iyo ANBBCAN, Waxaana iska kaashaday meel marinta  Heshiiskan  Caalamiga ah ee Daryeelka iyo ilaalinta Xuquuqda Caruurta labada UNICEF iyo  ANBBCAN.

    Wasiirka Wasaarada Cadaaladu waxa uu u soo jeediyay Wasaaradaha iyo Hay’adaha u xilsaaran hirgalinta Heshiiskani inay xil wayn iska saaraan sidii looga dhabayn lahaa meel marinta Heshiiskan oo Somaliland ugu fadhiya Sumcad wayn iyada oo la filayo in Beesha Caalamku ku qiimayn doonto Doorka ay ka qaataan Daryeelka iyo Ilaalinta Xuquuqda Caruurta.

    Agaasimaha Hay’ada ANBBCAN Rooda C/raxmaan Xirsi ayaa iyana ka warantay  marxaladahii uu soo maray heshiiskani ay iska kaashanayaan Hay’adooda iyo Wasaaradaha kuna bahoobay gudida, waxaanay xustay Dadaalkii ay u soo galeen ka midho dhalinta Heshiiskan ee ay kamid ahaayeen Turjumida Heshiiska iyo Dhismaha Gudida waxaanay mahad naq balaadhan u soo jeedisay Cidii kala qayb qadatay.

    Caasha Xuseen Aadan oo ka tirsan UNICEF ayaa balan qaaday  in ay Hay’ad ahaan fulinayaan hawl kasta oo wax ka taraysa hirgalinta heshiiska, waxaanay xustay, Hay’ada UNICEF in uu xil wayni ka saaran yahay Daryeelka Caruurta iyo ilaalinta Xuquuqdooda, waxaanay xustay in ay UNICEF waxbadan ka tartay Caruurta Aduunka

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: