SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • VOA oo Hargeysa ka furtay mowjad FM ah

    Posted by Sawnews.tk on October 14, 2009

    xafladda Furitaanka FMkaQeybta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa Arbacada maanta ah si rasmi ah magaalada Hargeysa uga furatay mowjad FM ah, oo dadka reer Hargeysa iyo agagaarkeeda ku nool ay ka dhageysan karaan afarta idaacadood ee ka baxa Qeybta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

    Idaacadda VOA ayaa Hargeysa ka furtay mowjad FM ah oo dhararkeedu yahay 88.0. Mowjaddan ayaan shaqeyn doonta 24-ka saac.

    Intaas waxaa sii dheer, in mowjaddani ay tahay mid hawada ku jirta 24-saac, taas oo macneheedu yahay in marka aysan Qeybta Af-Soomaaliga hawada ku jirin, in dhageystayaashu ay maqli karaan qeybaha kale ee VOA-da ee ku baxa afka English-ka.

    “Mowjaddan cusub ee FM-tu waxay suurta galineysaa in si fasiix ah ay shacabka Somaliland uga bogtaan wararka, warbixinnada iyo wareysiyada ka baxa qeybta Afka Soomaaliga ee VOA-da,” ayuu yiri Cabdiraxman Yabarow, madaxa Qeybta Afka Soomaaliga.

    Mudane Yabarow, oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa, si uu isugu dubba rido billowga mowjadda cusub ee FM-ta, ayaa sheegay in mowjaddan laga dhageysan karo illaa 25 kilometer meel u jirta magaalada Hargeysa, mararka qaarna in meel intaas ka fog laga maqli karo

    xafladda Furitaanka FMka

    xafladda Furitaanka FMka

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: