SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xukuumada Somaliland Oo Beenisay In Waxyeelo Soo Gaadhay Biriijkii Weynaa ee Magaalada Hargeysa.

    Posted by Sawnews.tk on October 13, 2009

    biriijika hargaysa file

    Biriijka Hargeysa File

    Hargeysa(Ramaas) Oct. 12, 2009 – Xukuumada Somaliland ayaa maanta beenisay warar sheegayay inuu dhaawac soo gaadhay  dhismaha Biriijka weyn ee caasimada Hargeysa ka dib markii sadexdii maalmood ee la soo dhaafay uu dooxa Hargeysa soo mareen daadad waaweyn oo ka dhashay roobabkii todobaadkan ka da’ayay Magaalada iyo deegaanada ku gadaaman.

    Wasiirka Wasiirada Hawlaha Guud ee Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed, oo ay weheliyeen Injineero iyo masuuliyiin ka socday Haayada Wadooyinka Somaliland ee SRA, ayaa saaka booqday biriijka badhtamaha Hargeysa waxaanay halkaasi ku beeniyeen war uu baahiyay Telefishinka caalamiga ah ee Horn Cable TV, oo sheegay in  Biriijka dhaawac soo gaadhay oo uu gariiray xalay, isagoo soo xiganayay dadweyne watay gaadiid.

    Wasiirka Hawlaha Guud iyo Maareeye ku Xigeenka Haayada Wadooyinka Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Cali ayaa si wada jir ah waxay u beeniyeen warkaasi waxaanay sheegeen inaanu jirin wax dhibaato ah oo soo gaadhay biriijka weyn ee Hargeysa waxaanay ku doodeen in daadku aanu si sahlan dhibaato u soo gaadhsiin karin birjiijka oo ay sheegeen inay sadex sano ka hor ay dayactir balaadhan ku sameeyeen.

    Wasiirka iyo Haayada SRA may soo qaadin Biriijkii labaad ee Hargeysa ee ku yaalay agagaarka Hutelka Hargeysa Club ee daadku qaaday sanadkii 2006-dii, oo dhismihiisu socday illaa 2007 isla markaana aan wali dhamaan, lana ogayn xiliga rasmi ahaan la dhamaystirayo oo dadweynuhu ay shaki weyn ka qabaan halkii ay ku baxday lacag ka badan hal milyan oo dollar oo dadweynaha dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku sugani u soo ururiyeen.lacagtaasi oo Guddi madax banaan oo loo saaray dhismaha biriijkaasi ay farta ka saareen Haayada Wadooyinka Somaliland oo iyadu qorshuhu ahaa inay qandaraas ku sii bixiso.

    Ramaasnews Desk

    Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: