SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo Gaashaanka ku Dhuftay inuu Aqbalo Xubnaha ay Komishanka u soo Xuleen Kulmiye iyo Guurtidu

    Posted by Sawnews.tk on October 13, 2009

    riyaale2Hargeysa (Sawnews) Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo ayaa kulamo gaar gaar ah oo ay albaabadu u xidhnaayeen ku yeeshay shalay Qasriga Madaxtooyadda

    Kulamada ay saddexda dhinac yeesheen oo ku saabsanaa khilaafka saddexda dhinac ka dhex taagan ee la xidhiidha soo celinta uu Madaxwreyne Rayaale qaarna soo celiyay qaarna uu maagan yahay inuu soo celiyo ayaa ilaa hadda aan wax war ah laga hayn waxa ay ku wada hadleen iyo waxa ay ku kala tageen toona balse ilo wareedyo kulamadaasi ka ag dhawaa ayaa Waaheen u sheegay in la isku mari waayay wadahadalkaasi waxaanu warku sheegay in loo balamay kulan kale oo lagu sii ambaqaado xal u helida arrinta la isku hayo.

    Kulamada ka dhacay qasriga Madaxtooyadda shalay  ayaa la sheegay Madaxweyne Rayaale inuu labada Masuul mid walba gaarkiisa ula kulmay oo ay kawada hadleen sidii loo soo bedeli lahaa xubnaha ay soo magacaabeen taasoo uu Madaxweynuhu ka dalbaday bedelkooda balse waxa la sheegay inay Saleebaan iyo Siilaanyaba ku gacan saydheen taasoo sababtay markii la ismari waayay in lagu kala kaco oo dib loo balamo

    Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa isagu dalabka Madaxweynaha horeba u sheegay inaanu sharci u lahayn balse waxa arrintaa ku soo biirtay soo celinta labada xubnood ee Golaha Guurtida oo shalay horteed muran badani ka taagnaa inuu Madaxweyne Rayaale soo celiyay iyo inkale taasoo lagu war helay uun shalay Markii ay Saleebaan iyo Rayaale fooda isku dareen kulan arrintaasi ku saabsan

    Dhinaca kale, gudoomiyaha xisbiga UCID ahna musharaxa jagada madaxweynenimada xisbiga UCID ayaa shalay u kicitimay wadamada Ethiopia iyo Kenya.

    Sidaana waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu soo saaray Xoghayaha Warfaafinta Iyo Saxaafada Ee Xisbiga  Ucid Md.Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), kaasoo u qornaa sidan:

    “Maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 11/10/09 abaaro 10:00 subaxnimo waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada hargaysa ka dhoofay gudoomiyaha xisbiga ucid isaga oo martiqaad rasmi ah ka helay wadamada donors-ka ee xaruntoodu tahay magaalada Nairobi ee dalka kiiniya, martiqaadkan ay wadamada  donors ku u fidiyeen gudoomiyaha xisbiga  UCID  wuxuu kala hadli doonaa qodobadan soo socda:

    Xog-waran ku saabsan xaalada wadanku maanta uu maraayo.

    Sidii loogu diyaar-garoobi lahaa arimaha doorashada iyo in ay diyaariyaan kharashka ay badanaa ku bixiyaan arimaha doorashooyinka oo dhan 75% in aanay xagooda ku baaqanin oo ay sida ugu dhakhsaha badan u diyaariyaan.

    In dhaqaale wadanka soomaliland la siiyo maadaama wadanku xoolihii ay dhoofin jireen la joojiyay, dhaqaalaha aduunka ee hoos u dhacayna  uu saamayn wayn ku yeeshay wadanka.

    In hay’adda UNDP xafiis cusub ka furtaan gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco si ay mashaariic xagga horumarinta ah ay ka hirgaliyaan magaalada burco iyo gobolada bariba, maadaama aanay hadda wax mucaawimo ahi gaadhin gobolada bariga, iyada oo magaalada burcana ay badiba ka tahriibeen dhalinyaradii inta soo hadhay in loo sameeyo mashaariic horimarineed, ilo dhaqaale iyo shaqo abuuriseed.

    In Somaliland laga qaado number 4KA xaga security levelka ah ee ay saareen qaramada midoobay qaraxii argagixiso ee magaalada hargaysa ka dhacay 29/10/2008 ka dib oo ay ku soo celiyaan levelkeedii hore ee xaga sucuretka maadaama ay somaliland ka nabadgalyo fiican tahay wadamo badan oo ka mid ah dunida.

    Qodobadas iyo kuwo kale oo ku saabsan arrimaha somaliland ayay ka wada hadli doonaan guddoomiyaha muddada uu ku sugan yahay safarkiisan.

    waxa kale oo uu gudoomiyuhu uuu la kulmi doonaa muddada uu joogo magaalada Nairobi ,safaarado badan oo reer yurub ah , safiirka maraykanka(USA) u fadhida magaalada Nairobi iyo aqoonyahanka, ganacsatada, waxgaradka reer somaliland ee ku sugan magaalada Nairobi

    Intaas ka bacdi guddoomiyuhu waxa uu soo mari doonaa wadanka Ethiopia halkaas oo uu kula kulmi doono safaaradaha ingiriiska(UK) iyo waliba madax sarsare oo ka tirsan wadanka Ethiopia.

    Waa markii labaad ee madaxda sarsare ee xisbiga UCID ay martiqaad ka helaan wadamada donorska sanadkan gudihiisa”

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: