SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ciidmada Booliska ee Gobolka Togdheer Ayaa Saaka Gacanta Ku Dhigay Laba Nin Oo Mid Ka Mid ah Lagu Qabtay Walxaha Qarxa.

    Posted by Sawnews.tk on October 13, 2009

    booliskaBurco(Sawnews) Oct. 12, 2009 – Saaka subaxii hore ayaa  Ciidamda amaanka ee gobolka Togdheer Hawlgal balaadhan oo ay fuliyeen waxay gacanta ku soo dhigeen laba  nin oo mid ah lagu qabtay walxaha qarxaha oo tira badan, kuwaas oo isugu jira noocyo kala gadisan

    Hawlgalkan saaka ay fuliyeen ciidamda amaanka ee gobolka togdheer oo mudaba ay ku daba jiray labada  nin oo lagu tuhunsanaa in ay aabaabulayeen hawlgalo ay doonayaan  in ay qaraxyo ugu geystaan shacabka ku dhaqan Magalaada Burco.

    Labadan nin oo horena  mid ka  mida culimada waaweyn ee Magalaada  Burco habeen dhaweyn ugu geystay dhaawacyo ay ka soo gaadhsiyeen gacan iyo feedhaha ka  dib markii uu jimcihii dhaweyd sheekhu khudbad uu ka jeediyay salaadii Jimcaa ay ku qabsadeen isla habeenkiina ay weerareen.

    Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin oo markiii ciidamadu hawlgalka ay fuliyeen u Waramay Shabaka Ramaasnews  ayaa sheegay hawlgalkani uu ahaa mid mudaba  lagu doonaayay in nimanka  dhaqdhaqaydooda  lagu ogaado , Gudoomiyaha oo faahfaahinaaya  Walxaha  qarxaha ee ay qabteen iyo waxa ay ka  koobnaayen ayaa hadalkiisa  ku bilaabaty Sidan   “ Hawlgal ciidamadu saaka  salaadii fuliyeen waxay ku soo  qabrteen laba nin oo mid  ka  mida gurigii uu degenaaa  laga dhex helay qalabka qarxaha oo dhan kuwaas oo iskugu jira ,Miinooyinka laga sameeyo saabuunta ,Rumuudyada lagu qarxiyo Miinada ,Baasuukayaal la jajabiyay,Qalabka electarooniga ah iyo noocyo kale “Sidaasi ayuu yidhi gudoomiyuhu.

     Mar’aanu wax ka waydiinay Gudoomiyaha cida ay ku tuhunsanyiin qaraxyada lala maaganaa magaalada Burco wuu ga gaabsaday in uu wax jawaaba ah ka bixiyo waxaanu sheegay in aanu  ka hor dhacayn Balse marka ay baadhistu dhamaato ay ka warbixinayaan

    Waxaanu ugu danbayntii gudoomiyaha togdheer ugu baaqay dadweynaha reer Burco in ay la socodsiiyaan dadka ay ka shakiyaan Ciidama Booliska iyo masuuliyiinta dawlada.

    Ugu danbayntii dadweynaha reer Burco ayaa saaka si wayn ula yaabay dadkan lagu qabtay waxyaabaha qarxa ee ay fashiliyeen Ciidamadda Amaanku waxaaney dudku saaka isgu soo bixeen qaybta booliska ee Burco halkaas oo lagu baadhayay labadan nine e lagu qabtay waxyaabaha qarxa.

    Ramaasnews Desk

    Burco

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: