SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Ku Simaha Wakiilka Itoobiya Jawaab Kululna Ka Bixiyay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Punland

    Posted by Sawnews.tk on October 12, 2009

    ducaale

    W.Arimaha Dibadada

    Hargaysa (Sawnews)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay ku simaha wakiilka dalka Itoobiya u jooga Somaliland, ka dib markii wakiilkii hore ee Itoobiya u joogay Somaliland dhawaan la bedelay, isla markaana waxa uu jawaab ka bixisay hanjabaad dhawaan ka soo yeedhay Godoomiyaha Barlamaanka maamul goboleedka Puntland, kaas oo isagu ku hanjabaday in Somaliland ay ka baxdo Magaalada Laascood haddii kale ay wakhti aan fogayn ay gacantooda ku soocelin doonaan magaaladaasi.

    Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu hadalkan ka sheegay shirjaraaid oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxaanu sidoo kale Wasiirku kagaga hadlay shirkan jaraa’id muran ka taagan lacag loogu talo galay Maxamuud Saalax Fagadhe oo ah wakiilka Somaliland u fadhigay dalka Faransiiska, kaas oo wakhtigan bukaan ahaan u jiifa.

    Ugu horeyn Wasiirka Wasaarada arrimaha dibedda C/laahi Maxamed Ducaale oo ka hadlay hanjabaada ka soo yeedhay maamulka Punland waxa uu yidhi “Waxaan joornaalka saaka ku   Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo hanjabaad u soo jeedinaya Somaliland oo leh waa inay ka baxdaa Laas-caanood haddii kale shaqo ayaanu ka qabanaynaa. Waxaan jecelahay inaanaan arrinkaa sii buun buunin Somaliland nabad gelyo ayay jeceshahay inay jaarkeeda kula noolaato Gobolkan Somaliland waxa ka galay maal gelin xag nabadgelyada ah door weyna way ka qaadatay iyo isu socodka iyo Ganacsigadhinac walba.”

    Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in aan maamulka putland la qabin hanjabaada ka soo jeeday Godoomiyaha Barlamaankooda, “Waxaanu jecelahay inaanu arrintaas halkaasi ku ekaato ninka halkaasika hanjabayana waxaanu ku rajo weynahay inaanay xukuumadiisu la qabin.Somaliland dagaal hamuunuma qabto. waxaan qabaa shacbiga Puntland-na uma qabaan”.

    Sidoo kale waxa uu Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland uu maanta kuqaabilay xafiiskiisa ku simaha Wakiilka Itoobiya ee u fadhiya Somaliland Abdhate Bayane, ka dib markii dhawaan dawladda Itoobiya bedeshay wakiilkii hore ee Somaliland u qaabilsanaa dalkaasi,waxaanay labada masuul ka wada hadleen xidhiidhka ka dhexeeya laba dalka.

    Wasiir Ducaale, waxa kale oo uu ka hadlay muranka ka taagan lacag lasheegay in la waayay meel ay martay, taas oo loogu talo galay wakiilka Somaliland u fadhiga Faransiiska oo halkaas ku xanuunsaya, taas oo malintii shalay khilaaf ka dhex abuurtay wasiirul dawalyaasha Caafimaadka iyo Arrimaha dibedda.

    “Horta Wakiilkeena dalka Faransiiska Maxamuud SaalaxNuur Fagadhe waxaanu ilaahay ayaanu caafimaad deg deg ah inuu siiyo, dhawaan ayuu dalka yimid waxaanu dib nooga noqday Bishii May, xanuunbaana halkaasi ku qabsaday, intii uu xunuunsanayayna aad baanu uga warhaynay wixii qaranku u qaban karayayna wuu u qabtay. Socodkii uu halkaasi ku tagayna reerkiisiina wuu sii raacay si uu daryeelkiisa u ogaado, markii uu tagayayna xoogaa kharash ah ayaa sii raacay si uudawooyinka iskaga bixiyo, kharashkaasi oo ka baxsan Wasaarada Arrimahadibada. Waxaan jecelahay in hadalkaasi sidaasi inagaga dhammaado,Safiir Fagadhe Waa Nin Somaliland qaali ku ah.”

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: