SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shilkii ugu Yaabka Badnaa oo Saqdii Dhexe ee Habeen Hore ka Dhacay Hargeysa Badhtankeeda: 8 baabuur oo 4:00 habeennimo goob keliya isku wada duqeeyey

    Posted by Sawnews.tk on October 12, 2009

    “Baabuurta isku dhacay marka hore laba ayaa is-jiidhay, kadibna mid ka mid ah baabuurta isjiidhay ayaa saddex baabuur oo kale uu ka mid yahay gaadhi boolis ah duqeeyey” Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland

    gadhi acsidentHargeysa (Oodweynenews)- Shilkii ugu yaabka badnaa, uguna ballaadhnaa, ayaa saacadihii dambe ee habeen hore ka dhacay jidka laamiga ah ee dhinaca galbeed ka mara idaacadda Radio Hargeysa, kadib markii si lama filaan ah isu wada duqeeyeen siddeed gaadhi oo aan midna mid la socon.

    Shilkan cajiibka ah oo aan geysan khasaare nafeed oo abbaaro 4:00 habeenimo ee Axaddii ka dhacay jidka laamiga ah ee xidhiidhiya xaafadaha Idaacadda iyo Jigjiga-yar, gaar ahaan meel dhowr mitir dhinaca galbeed ka xigta dhismaha Radio Hargeysa, ayaa sida la sheegay ka bilaabmay, kadib gaadhi yar oo noociisu yahay Indhacadde [Grande], kuna socday xawaare sare uu xagga dambe ka galay baabuur Zuzuki ah oo ka horreeyey, ilbidhiqsiyo dabadeedna mid kale oo xawli ku ordayey ka soo go’ay gaadhi MarkII ah oo istaagay goobta shilka hore ka dhacay, intaa kadibna baabuur kale oo isna xawaare ku socday duqeeyey mid kale oo isna markaas u goobta istaagay.

    Inkasta oo aan si cad loo ogeyn sababaha dhaliyey shilkan la yaabka leh oo dhacay xilli dadku hurdeen oo aan wax saxmad ah ka jirin jidadka caasimadda, isla markaana ah kii ugu horreeyey noociisa ee ugu cuslaa, waxa khasaare ballaadhan ka soo gaadhay lix ka mid ah gaadiidka goobta keliya isku wada duqeeyey, saddex Grande, laba Mark II iyo hal Zuzuki, kuwaas oo dadweynuhu ku waabariisteen iyagoo mid-mid madaxa iskula jira, halka la sheegay inay goobta ka baxsadeen laba gaadhi oo kale qayb ka ahaa shilkaas cajiibka noqday.

    Weriyeyaal Jamhuuriya ka tirsan oo subaxnimadii hore ee shalay booqday goobta uu ka dhacay shilkaas yaabka leh, ayaa halkaa kula kulmay shan ka mid ah baabuurtaas oo dhammaantood burbur ka soo gaadhay isduqayntaas, kuwaasoo xannibay marista jidkaas laamiga ah, isla markaana ku xoonsanaayeen boqollaal qof oo aad ula fajacsanaa baaxadda shilka iyo wax u dhaceen, sidoo kalena isweydaarsanayey su’aalo iyo falanqayn ku saabsan dadka masuulka ka ahaa shilkaas ee watay gawaadhida goobta wadhnaa oo u muuqday kuwo si badheedh ah layskula dhacay oo lagu dagaallamay, kadib markii indhahooda ku suurayn kari waayeen shil caadi ah, marka loo eego baaxaddiisa iyo waqtiga uu dhacay oo ahaa xilli aan saxmad jirin, jidadkana marayn gaadiid sababa in marqudha siddeed baabuur meel qudha isku wada duqeeyaan.

    “Waxaad moodaysay gigtii ka dayaantay isku dhaca baabuurtaas, qaraxii lala beegsaday madaxtooyada.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deggan guryaha ku dhow goobta shilku ka dhacay shalay subax ku kallahay halka baabuurtu isku jiidheen.

    Dhinaca kale, ciidammada nabadgelyada waddooyinka iyo kuwa booliska, ayaa subaxnimadii hore ee shalay isku xeeray goobta shilku ka dhacay oo ay ka wadeen baadhitaanno la xidhiidha sababaha keenay shilka noocan ah iyo raadinta dadkii watay baabuurta isduqeeyey oo la sheegay inay dhammaantood baxsadeen. Sidoo kale, waxay ciidammadu xidheen jidka laamiga ah ee gawaadhida isku dhacay yaalleen oo laga horjoogsaday in gaadiidka kale maraan waddadaas oo xidhnayd ilaa xalay.

    Shilkan ayaa ah kii ugu horreeyey noociisa ee ka dhacay dalka Somaliland, kaasoo yaab iyo amakaag ku ridday shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo shalay si weyn u hadal-hayey dhacdadaas.

    Geesta kale, Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland Axmed Xasan Cabdiraxmaan (Ilkacase) oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay si aanu wax uga waydiino shilkan yaabka leh ee habeen hore ka dhacay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in shilkaasi ilaa afartii habeenimo uu ka dhacay, isagoo xusay in baabuurta isku dhacay oo afar gaadhi oo nooca yaryar ahi ay wakhtigaa ku socdeen hudheelka la yidhaahdo Panarama, waxaannu intaa ku daray in darawaladii baabuurtaa waday ay gacanta ku dhigeen, marka laga reebo mid ka baxsaday gacmaha ciidammada ammaanka.

    “Horta baabuurtaas oo ay wateen niman dhallinyaro ah, waxay wakhtigaa ku socdeen hudheelka la yidhaahdo Panarama, afarta baabuur ee isku dhacayna marka hore laba ayaa is-jiidhay, kadibna mid ka mid ah baabuurtaas isjiidhay ayaa saddex baabuur oo kale uu ka mid yahay gaadhi boolis ah duqeeyey, sidii shilkaasi u dhacayna waxa baadhaya ciidammada, darawalladii baabuurta wadayna saddex ka mid ah ayaannu haynaa, marka laga reebo mid naga baxsaday,” ayuu yidhi taliyaha ciidamada nabadgalyada wadooyinku.

    Taliyaha oo la weydiiyey waxa sababay in baabuurta isku dhacay ilaa duhurnimadii shalay goobta shilku ka dhacay looga qaadi waayey, waxa uu ku jawaabay; “Shilku wuxuu dhacay habeenimo, ciidammada taraafiguna waxay tegeen goobta subaxnimadii, markaa waxa na yara qasqashay dadweynaha deggan meesha shilku ka dhacay oo doonayey in waddada shilku ka dhacay looga sameeyo askari jiifa, iyagoo ka cabanaya baabuurta oo si xawli ah halkaa u marta, annaguna waxaannu yara diidanayn in waddada lagu sameeyo askari oo arrintaasi waxay dhibaato u geysataa jidadka magaalada oo wuxuu u horseedaa inay googo’aan, laakiin markii dadkii xaafadda shilku ka dhacay isu soo baxeen ee ay na rabisheen, waannu aqbalnay in askari jiifa loogu sameeyo waddada ay ka cabanayaan, sidaa ayaannu baabuurtiina uga soo qaadnay.”

    Waxa kaloo taliye Ilkacase ka dayriyey xaaladda shilalka soo badanaya ee ka dhaca waddooyinka magalooyinka dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa oo uu sheegay in jidadka oo cidhiidhi ah iyo baabuurta oo sii badanaysa awgeed shilalku si xawli ah kor ugu sii kacayaan, waxaannu xusay in taraafi ahaan, dedaal badan ka gaystaan sidii ay u sugu lahaayeen nabadgalyada waddooyinka, iyada oo ciidammada taraafikada wakhtiga kasta heegan ku yihiin jidadka si ay u kala hagaan gaadiidka

    Jamhuuriya

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: