SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Koox Dhalinyaro Iyo Haween Isugu Jiray Oo Hargeysa Kaga Dhawaaqay Inay ka Baxeen Xisbiga KULMIYE.

    Posted by Sawnews.tk on October 12, 2009

    “Anagoo Aaminsan in   Somaliland Ay  ku soo caano Maashay midnimo Suurto Gelisay in ilmihii ku dhashay Berbera Uu Jaamacada Ku Soo Dhamaysto Boorame”

    Hargeysa(Ramaas) Oct. 11, 2009 – Koox Dhalinyaro iyo Haween isugu jira oo ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada Ibraahim Koodbuur ee Caasimada Hargeysa
    ayaa maanta shir-saxaafadeed ay ku qabteen Huteelka Soofe ee Hargeysa ku sheegay inay ka baxeen xisbiga KULMIYE oo ay ka tirsanaayeen.

    Dhalinyaradan iyo Haweenkan ayaan sheegin xisbiga kale ee ay ku biireen waxase ay tilmaameen inay ka tashanayaan xisbiga ay ku biirayaan.
    Kooxdani waxay mowqifkooda shir-saxaafadeedkaasi kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada xisbiga KULMIYE ee degmada Koodbuur Sacad Xuseen Xasan(Shiish), waxaanu qoraalkoodu u qornaa sidan:-

    “Anagoo ah Guddida xisbiga KULMIYE ee Degmada Ibraahim Koodbuur, oo ay Hoggaaminayaan Guddoomiyihii degmadaasi madaxdii laamaha, Garabka
    Haweenka, iyo dhaliyarada ee degmada Ibraahim Koodbuur ee caasimada Hargeysa waxaanu la socodsiinaynaa guud ahaan shacbiga reer
    Somaliland, gaar ahaan kuwa degan xaafada Ibraahim Koodbuur in laga bilaabo maanta oo bishan October tahay 11 inaanu ka baxnay xubinimadii iyo xilkii aanu ka haynay xisbiga KULMIYE.

    Anagoo ka soo horjeedna in qabyaalad ummadda reer Somaliland laga dhex huriyo. Iyo Anagoo ka xun kana soo horjeedna olale siyaasadeed oo ku dhisan tollaay yaa reer Habelaay, Anagoo aaminsan in siyaasada ay
    Somaliland ku soo caano maashay 18-kii sanadood ee la soo dhaafay inay ahayd midnimo, is-cafin iyo is qadarin suurto gelisay in ilmihii ku dhashay Berbera inuu jaamacada ku soo dhammaysto Jaamacada Cammuud ee Magaalada Boorame. Halka kii degmada Baki ku dhashayna uu sugo nabad gelyada Ceerigaabo iyo Gobolka Sool.

    Sidaas darteed, waxaanu markaanu tix gelinay danta guud ee qaranimada Somaliland, oo ay ku jirto ilaalinta wada jirka shacbiga Somaliland ee degan laga soo bilaabo Saylac illaa Ceelaayo.

    Waxaanu ugu baaqaynaa cid kasta oo aanu tallo wadaag leenahay gaar ahaan shacbiga degan Ibraahim Koodbuur iyo kuwa degan Waqooyiga iyo Galbeedka Caasimada Hargeysa kana mid ahaa dadkii naftooda iyo
    maalkooda u soo huray xorayntii dalka inaan maanta gacantooda dib loogu dumin wixii shalay ay ku soo tabceen.”

    Sidoo kale waxa shir-saxaafadeedkaasi ka hadlay Faysa Axmed Jibriil iyo Cabdilaahi Xasan, oo ka mid ahaa xubnihii u hadlayay kooxdaasi sheegtay inay ka baxeen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: