SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Safar dibada ugu kicitimay

    Posted by Sawnews.tk on October 12, 2009

    faysal1-150x150

    Faysal Cali

    Xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID waxa uu manta ku soo qaadanayaa warsaxaafadeedkiisan safar uu gudoomiyaha xisbiga UCID ahna musharaxa jagada madaxweynenimada xisbiga UCID uu ugu kicitimay wadamada Ethiopia iyo Kenya,

    Manta oo ay taariikhdu tahay  11/10/09 abaaro 10:00 subaxnimo waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada hargaysa ka dhoofay gudoomiyaha xisbiga ucid isaga oo martiqaad rasmi ah ka helay wadama donors ka ee xaruntoodu tahay magaalada Nairobi ee dalka kinya , martiqaadkan ay wadamada  donors ku u fidiyeen gudoomiyaha xisbiga  UCID  wuxuu kala hadli doonaa qodobadan soo socda ,

     

    xogwaran ku saabsan xaalada wadanku manta uu maraayo  

     

    sidii loogu diyaargaroobi lahaa arimaha doorashada iyo in ay diyaariyaan kharashka ay badanaa ku bixiyaan arimaha doorashooyinka oo dhan 75% in aanay xagooda ku baaqanin oo ay sida ugu dhakhsaha badan u diyaariyaan

    in dhaqaale wadanka soomaliland la siiyo maadaama wadanku xoolihii ay dhoofin jireen  la joojiyay ,dhaqaalaha aduunka ee hoos u dhacayna  uu saamayn wayn ku yeeshay wadanka

    in ha,adda UNDP xafiis cusub ka furtaan gobolka togdheer gaar ahaan magaalada burco si ay mashaariic xaga horumarinta ah ay ka hirgaliyaan magaalada burco iyo gobolada bariba ,maadaama aanay hada wax mucaawimo ahi aanay gaadhin wadamada bariga,iyada oo magaalada burcana ay badiba ka tahriibeen dhalinyaradii inta soo hadhayna  in loo sameeyo mashaariic horimarineed , ille dhaqaale iyo shaqo abuuriseed

    in soomaaliland laga qaado number 4KA xaga securet levelka ah ee ay saareen qaramada midoobay qaraxii argagixiso ee magaalada hargaysa ka dhacay  29/10/2008 ka dib oo ay ku soo celiyaan levelkeedii hore ee xaga sucuretka maadaama ay soomalailand ka nabadgalyo fiican tahay wadamo badan oo ka mid ah dunida

     

     

    qodobadas iyo kuwo kale oo ku saabsan arrimaha soomaaliland ayay ka wada hadli doonaan gudoomiyaha muddada uu ku sugan yahay safarkiisan

     

    waxa kale oo uu gudoomiyuhu uuu la kulmi doonaa muddada uu joogo magaalada Nairobi ,safaarado badan oo reer yurub ah , safiirka maraykanka (USA)  u fadhida magaalada Nairobi,iyo aqoonyahanka,ganacsatada ,waxgaradka reer soomaaliland eek u sugan magaalada nairobi

     

    intaas ka bacdi gudoomiyuhu waxa uu soo mari doonaa wadanka Ethiopia  halkaas oo uu kula kulmi doono safaaradaha ingiriiska  (UK)   iyo waliba madax sarsare oo ka tirsan wadanka Ethiopia

     

    waa markii labaad ee madaxda sarsare ee xisbiga UCID   ay martiqaad ka helaan wadamada donorska sanadkan gudihiisa

     

    wabilaahi tawfiiq

     

    XOGHAYAHA WARFAAFINTA IYO SAXAAFADA EE XISBIGA  UCID

    MD,CABDINAASIR YUUSUF CISMAAN (QODAX)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: