SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dhaqdhaqaaq La Xidhiidha Adeegyada Golaha Degaanbka Boorama Oo Dib Uga Soo Cusboonaaday Xaruntaasi

    Posted by Sawnews.tk on October 12, 2009

    Dawlada hoose Borama (File)Boorama,(Sawnews) – dhaqdhaqaaqayo la xidhiidha hawlaha adeegyada Golaha deegaanka Boorama ayaa tan iyo toddobaadkan bilowgiisiiba laga dareemayaa xarunta golahaasi, taas oo indhawaaleba aad moodaysay in laga Guuray.

    Tan iyo dhamaadkii toddobaadkii hore ayaa xaruntaasi lagu arkayey adeegyto la xidhiidha dhinaca nadaafadda Guud ee magaaladaa, hirgelinta mashaariic horumarineed oo loo samaynayo deegaanada ku dhawdhaw magaalada iyo qorshayaal cusub oo la xidhiidha dhinaca saribadaha gawraca xoolaha iyo dib u habaynta suuqyada khudaarta iyo Hilibka .

    Maayarka Boorana C/raxmaan shide Bile ayaa sidoo kale lagu arkayaa xafiiskaasi kadib socdaallo xidhiidh ah oo uu ku gaalaabixin jiray Caasimadda iyo Boorama ayaa sidoo kale u muuqday kuwa uu hay’adaha caalamiga ee ku sugan Hargeysa kaga soo dhiraadhirinayey mashaariic yaryar oo lagu qiimeeyey kumaankum Doolar, haatanna deegaanada ku dhawdhaw Boorama laga fulinayo. Sida ay sheegeen dad ku dhawdhaw xafiiska maayarka Boorama, ayaa sheegeya in labadii bilood ee la soo dhaafay maayarku Hargeysa ugu maqanaa mashaariic horumarineed oo hoos yimaadda wasaaradda arrimaha Guddaha, hay’adda FAO iyo kale oo ay maalgeliyaan hay’ado kale.

    Qandaraasyo la xidhiidha ciddi fulin lahayd mashaariicdaasi ayaa sidoo kale Boorama loogu soo bandhigay ururada waddaniga ah ee qaabilsan dhismayaasha ka hawlgala guud ahaanba Boorama, furitaankii qandaraasyadaasina ay goobjoog ka ahaayeen maayarka Hargeysa Enj. Jiciir iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha, mashaariicdan oo dhammaantood looga faa’idsanayo qorshe lagu magacaabo JPSL, Oo horeba loogaga dooday magaalooyinka Jabuuti iyo Boorama oo ay kasoo qaybgaleen maayarada toddoba degmo oo ku kala baahsan Somaliland goladeeda laga soo bilaabo Ooodweyne ilaa Boorama.

    Aqoon isweydaarsiyo la xidhiidha fulinta mashaariicdaasi oo dhawr jeer oo hore lagu qabtay Boorama ayaa waxa ugu dambeeyey mid shalay u dhammaaday hawlwadeenada Golaaha deegaanka Boorama, Seminaarkan oo socday muddo toddobaad ah, isla markaana lagaga doodayey sidii loo qaybin lahaa mashaariicdaasi ayaa waxa loogu qoondeeyey deegaanno sdhan ah oo ku dhawdhaw Boorama .si kastaba ha ahaatee mashaariicda in muddo ahba maayarka Boorama Hargeysa ugu laba jeer noqonayhey , ayaa waxa ugu weyn mashruuc halmilyan oo doolar ku kacaya oo ku saabsan sdhismaha sariibad gawracaxoolaha oo casri ah oo ay hay’adda FAO ku deeqday ,hawshiisiina dhawaan la bilaabi doono .

    Maqnaanshaha maayarka Boorama ee dhinaca Hargeysa ayaa inta badan galaaftay adeegyadii golahaasi oo in muddo ahba kala daatay ,balse haatan ad mooddo in ay dib ugasoo kabanayo.

    Dhinaca kale xidhiidhka ciidanka amniga Boorama iyo maamulka Golaha deegaanka ayaan wanaagsanayn kadib markii dhawaanta sarkaal ka tairsan ciidankaasi tacshiirad huwiyey koox ka atirsan shaqaalaha dawladda hoose oo cashuur sannadeed ka doonaysay bakhaar suuqa boorama uga kireysnaa ciidamada amniga ,kaddibna la xidhxidhay shaqaalihii.waxa kale oo iyaduna jirtay in taakuleyntii iyo wadashaqayntii ciidanka iyo g/degaanku hoos u dhacday kaddib markii sida uu ii sheegay sarkaal ka tirsan maamulka Golahaasi taliska ciidankan amnigu usoo diri waayey koox ciidan aka amniga ah oo kala qayn qaadata hawlaha ku saabsan muranka dhulka ,ururinta dakhliga ,iyo amaniga xaruntaasi .

    Inkastoo anay taliska ciidanku arrntaasi ka hadal, hase yeeshee waxa muuqata in joogitaankii ciidanka amniga ee dawladda hoose anu haatan si buuxda uga muuqan xaruntaasi

    Inkastoo dedaalka masuulyiinta Golaha deegaanku haatan muuqdo, waxase sugaya wax ka qabshada adeegyo culus oo wax ka beddela muuqaalka Boorama sida cidhibtirka eyda,iyo jidad bannaynta

     Source HAATUF

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: