SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Garoonkii ugu weynaa ee kubada cagta gobolka Awdal yeelato oo maanta ururka Gurmad guda galay inuu iibiyo

    Posted by Sawnews.tk on October 12, 2009

    Borama(Sawnews) Sida aad la wada socotaan inmudo ahba waxa ururka Gurmad ku talo jiray inuu hirgaliyo hamigiisa fog ee ah sidii ay dhalinyarada Gobolka Awdal gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Borama ay u heli lahaayeen garoon kubada cagta lagu ciyaaro . Ururka Gurmad oo dhawr sano ka hor isku xilqaamay inuu ururiyo dhaqaale garoon lagu dhiso ayaa waxa u suurto gali weyday inuu ku hawlgalo garoonka Xasan Sheekh Mumin ee degamada Borama oo ay xukumada somaliland balan qaadey inay iyadu dhamaystirayso. Garoonkan ayaa waxa loo bixin doonaa (Gurmad Stadium)

    Hadaba Madaama ay magaaladu u baahan tahay garoono dhawra iyo waliba garoon ka balaadhan kan hada magaalada ka jira, ayaa ururka gurmad go’aan waxa uu ku gaadhay inay iibiyaan dhul baaxad weyn leh kuna haboon garoon kubada cadgta lagu ciyaaro. Dhulkan oo ku yaala badhtamaha magaalada Boorama dhiniceega galbeed ee duleedka Seeraha ama Xooga Dabadhadhiye oo aad ugu dhaw Airportka Borama ayaa waxa safankiisa lahaa ciyaartoyda kubada cagta ee Gobolka Awdal oo dhawr jeer ku qabsaday ciyaaro saaxiibtinimo isla markaana ururka Gurmad u soo bandhigay inay aad ula dhaceen dhulkan baaxada leh.

    Ururka Gurmad oo marwalba raaca doonista horumarinta ciyaaraha iyo Dhalinyarada Awdal ayaa soo dhaweeyey doonista xulka kubada cagta ee Awdal isla markaana usbuucii inaga tagay ansaxiyey sidii dhulkaa loogu iibin lahaa dhalinyarada bilaa garoonka ah.

    Maanta oo ay bisha Oktoobar tahay 12,sanadka 2009 ayaa waxa ururka Gurmad uu socdaal sahan ah ku tagay dhulka baaxada leh ee la damacsan yahay in dhalinyarada garoon looga dhiso. Socdaalka Maanta oo ay weheliyeen Sheekh Xasan Daheye, Sheekh Cabdiqadir Aden Nuur, iyo Gudoomiyaha Dahabshil ee Gobolka Awdal Mudane Cabdi Riraash iyo waliba xubno ka socday Sportiga oo uu hogaaminayo Tababaraha xulka kubada cagta ee Gobolka Awdal Mudane Samaroon ayaa waxay soo mareen dhulka lagu talo jiro in la iibiyo isla markaana waxay ka hadleen in dhulkani yahay meel garoon aad ugu haboon oo dabeeci ah noqona doona garoon bilic iyo waxtarba usoo hooya gobolka AWdal.

    Waxayna bulsha reer awdal ee qurba jooga ah iyo kuwa gudahaba ugu baqayaan bahweynta  ciyaarhu in ay ka caawiyaan sidii uu u hir gali lahaa dhismaha garoonkaa .

    Dahir Axmed Jirde
    Saylac.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: