SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Labadda Xisbi Mucaarid oo ku Kala Qaybsamay Go’aanka Xubnaha Komishanka ee Madaweynuhu ku Soo Celiyay + Xisbiga UCID oo Xubin Cusub Magacaabay iyo Kulmiye oo Xubintii Hore Dib Ugu Celiyay Madaxweynaha

    Posted by Sawnews.tk on October 11, 2009

    faysal-iyo-siilaanyo-small

    Faysal & Silaanyo

    Hargeysa (Sawnews) – Labadda Xisbi Mucaarid ee UCID iyo Kulmiye ayaa ku kala qaybsamay jawaabta xubnihii labadda xisbi u kala magacaabeen xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland, oo Madaxweynaha Somaliland dib ugu celiyay labadda Xisbi ka dib markii uu ku sababeeyay in aanay buuxin xubnaha ay soo magacawdeen shuruudihii xubinimadda komiishanka lagaga mid noqonayay. 

    Haddaba, markii uu soo baxay warka sheegaya in labadii xubnood ee labadda Xisbi u kala magacdeen komiishanka madaxweynuhu ku soo celiyay ayaa shirar jaraa’id oo ay labadda gudoomiye kala qabteen midba mawqifka xisbigiisa kaga hadlay, taas oo si wayn u muujisay sida labadda xisbi arintaa ugu kala qaybsameen.

    Hadii aynu soo qaadano hadalkii gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu isagu sheegay in xisbigiisu ka tashanayo mawqif deg deg ahna ka qaadanayo, balse aanu diyaar u ahayn inuu sii wado muran iyo wax isku cel celin, dhinaca sharciga waxa uu xusay in aanu madaxweynuhu xaq u lahayn oo wax isaga siiyay inuu xubnihiisa magacaabo isna kuwooda baadho aanu jirin, si kastaba ha ahaatee galinkii danbe ee maanta ayaa xisbiga UCID xubin cusub u magacaabay komiishanka waxaanu arintaa ku cadeeyay warsaxaafadeed uu xisbigaasi soo saaray kaas oo lagu sheegay in Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha gudida fulinta ee xisbiga cadalada iyo daryeelka UCID waxay kaga doodeen oo ay wax iska waydiiyeen xaalada dalku maraayo maanta gaar ahaan komishanka doorashooyinka qaranka.

    Sida aynu lawada socona waxa maalmihii ugu danbeeyay lagu mashquulsanaa sidii loo soo magacaabi lahaa komishanka doorashooyinka qaranka ka dib markii ay is casileen xubnihii gudida doorashooyinka ee hore.

    Waxay gudida fulinta ee xisbiga UCID dood iyo falanqayn dheer ka dib ay isla qaateen oo ay isku raaceen in uu noqdo xubinta xisbiga ucid uga qayb galaysa gudida doorashooyinka qaranka ee soomaliland in uu noqdo.

    ENG,ABDIFATAX IBRAAHIM XASSAN ,in uu noqdo xubinta cusub ee xisbiga ucid uga qayb galaaya gudida doorashooyinka qaranka.

    faysal-iyo-siilaanyo

    Hadaba xisbiga UCID waxa uu xubintiisan cusub ee kor ku xusan ee uu umagacaabay ka mid noqoshada xubnaha cusub ee gudida doorashooyinka qaranka ee la filaayo in sida ugu dhakhsaha badan loo soo magacaabo dhinacyada ay arintani khusayso ,ku xusheen ,aqoontiisa oo ah heer jaamacadeed oo master ah iyo daacadnimo,kartininimo,dhexdhaaxnimo iyo hawsha qaranka ee sugaysa oo uu si xilkasnimo leh uu u gudan karro.

    Sidaasi daraadeed xisbiga ucid isaga oo eegaaya danta qaranka iyo waliba ahmiyada ay leedahay wakhtiga oo cidhiidhi ah oo maalintii kasta ee dib u dhacdaa ay dhibteeda leedahay iyo muran danbe oo macnno darro ah iyo buuq wadankani mar danbe gallo in aanay xagoda xisbi ahaan aanay waxba ku hamsaamin magcawga xubinta xisbiga uga qaybgalaysa guddidan doorashooyinka qarranka. warsaxaafadeedka xisbiga UCID waxa ku saxeexnaa xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID C/Naasir Yuusuf Cismaan Qodax.

    Geesta kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo]ayaa isagu shir jaraa’id oo maanta qabtay ku cadeeyay in aanu ka tanaasulayn xubintiisa, dibna mar kale ugu celinayo madaxweynaha, waxa uu Mr. Siilaanyo beeniyay in Xubinta uu magacaabay xisbigoodu oo ah Haweenay aanay xisbiga ka tirsanayn, isla markaana Xisbiga ka baxday mudo hore, taas oo la mid ah buu yidhi xubno tira badan oo xisbiga ka baxay oo qaar badani ku biireen xisbiga UDUB ayuu yidhi Mr. Siilaanyo.

    Si kastaba ha ahaatee waxa ay arintani muujinaysaa sida labadda xisbi arintaa ugu kala mawqif duwan yihiin, waxa kale oo talaabadan laga dheehan karaa sida labadda xisbi u kala dhow yihiin uguna kala fur furan yihiin arimaha mudan in laga baaran dego.

    Harowo

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: