SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maxkamadda Gobolka Sool oo xukun dil ah ku fulisay Nin Aabihii dilay

    Posted by Sawnews.tk on October 10, 2009

    justiceSabti, 10 October 2009 (HOL): Maxkamadda Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood, ayaa maanta Xukun dil ah meel fagaare ah ugu fulisay nin ku eedaysnaa in uu aabbihii dilay sanadkii hore.

    Maxkamadda Gobolka ee Magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in Ninka ay xukunka dilka ah ku fulisay oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cawaale, isla markaana ahaa wiil dhalinyaro ah ay ku caddaatay in uu dilay Aabbihii oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cawaale.

    Ninkan xukunka qisaasta ah lagu fuliyay ayaa Wararku sheegayaan in uu Aabbihii dilay sanadkii hore, ka dib markii sida la sheegay ay isku maan-dhaafeen arrimo Dhoof. Waxaanay Wararku intaa ku dareen in, Wiilkan oo hore looga soo celiyay dalalka Qurbuhu uu Aabbihii ku dilay Baasaboorkiisii oo uu Odayga la dilay ka qariyay.

    Wiilkan maanta dilka lagu fuliyay ee Axmed Maxamed Cawaale, ayaa la sheegay in uu xidhnaa muddada ka soo wareegtay dilkii uu Aabbihiii dilay, waqtigaas oo uu gar-suge ahaa.

    Inkasta oo aanay ahayn Xukunkii u horreeyay ee dil ah ee ay Maxkamadda Gobolka Sool fuliso, haddana waxa uu kani kaga duwan yahay in Wiilka Xukunka dilka ah lagu fuliyay uu ku eedaysnaa in uu dilay Aabbihii. Taas oo Kiiskan ka dhigaysa mid ka mid ah Kiisaska tirada yar ee la geeyo Maxkamadaha.
     
      Hiiraan Online

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: