SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga Kulmiye oo Gabadh ka tirsan Guddidiisa Fulinta u Magacaabay Komishanka Cusub

    Posted by Sawnews.tk on October 9, 2009

     Waa Xubintii 3aad ee ay Guddoomiyaha isku beel yihiin iyo Cadaymo dhab ah oo muujinaya inay ka tirsan tahay Xisbiga!!

    Hargeysa (Waaheen) Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye ayaa la sheegay inuu si rasmiya shalay ugu gudbiyay Madaxweyne Rayaale xubinta cusub ee uu u soo magacaabay inay ka mid noqoto todobada xubnood ee loo soo xulayo Guddida Doorashooyinka Qaranka

    Ilhaan Max’ed Jaamac oo ah gabadha kaliya ee ka mid noqon doonta xubnaha Komishanka inta ilaa hada la ogsoon yahay ayaa xisbigu u xulay inay ka mid noqoto xubnaha cusub ee ay hogaamiyayaasha axsaabtu isla qaateen in lagu bedelo Komishankii hore ee dhawaan iscasilay ee uu Madaxweyne Rayaalena ka aqbalay iscasilaadooda.

    Gabadhan xisbiga Kulmiye u xushay inay ka mid noqoto todobada xubnood ee la filayo inay noqdaan guddida hagi doonta hawlaha Doorashooyinka marka la isku soo dhamaystiro ayaa ah xubin firfircoon oo ka tirsan xisbigaasi, waxaanay ka soo qabatay Xisbiga xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Golihii dhexe ee hore  xisbiga Kulmiye isla markaana ay noqotay xoghayihii ugu awooda badnayd Guddidii qabanqaabada  ee Shirweynihii labaad ee Xisbiga Kulmiye ee ka dhacay Hotelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa

    Ilhaan Max’ed Jaamac waa aqoonyahanad kaalin weyn ka qaadatay dhismaha Xisbiga ilaa hadana waxay ka mid tahay hormoodka xisbiga oo ay ku jirto Guddidiisa fulinta iyo Golihiisa dhexeba oo ay ku soo gashay 20 xubnood oo haween ah, oo Xisbigu koote u siiyay Dumarka sida ku cad liiska Guddida fulinta ee kulmiye oo kala ah:

           Magaca                                       Xilka

    1- Dr, Maxamed C/laahi Cumar      Xoghayaha Arimaha Dibada.

    2-  Maxamed Cabdi Iskeerse            Xoghayaha Maaliyada.

    3- Axmed Xaashi Oday                    Xogahaya Khayraadka.

    4- Maxamed Muuse Abees                Xoghayaha Arimaha Gudaha.

    5- Dr, Cabdi Aw Daahir Cali              Xoghayaha Arimaha Bulshada.

    6- Maxamed Kaahin Axmed              Xoghayaha Difaaca iyo Nabada.

    7- C/kariin Axmed Maxamed             Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyi-gelinta.

    8- Xuseen Axmed Caydiid                  Xoghayaha Cadaalada.

    9- Canab Cumar Ileeye                        Xoghayaha Arimaha Haweenka.

    10- Cali Ibraahim (Tamaandho)          Xoghayaha Dhalinyarada.

    11- C/raxmaan Aw Cali Faarax           Xoghayaha Xidhiidhka Golayaasha Qaranka.

    12- C/laahi Xuseen Cige                      

    13- Faysal Cali Sheekh                        

    14- Maxamed Xasan Jidhif                        

    15- Ibraahim C/laahi Xuseen Dhega-weyne

    16- Axmed Cabdi Dheere                       

    17- Dr Carabeyto

    18- Dr, Xuseen Maxamed (Xuseen Xoog)

    19- Dr, Yusuf Xirsi Galow

    20- Cali Siciid Reygal

    21- Axmed Cilmi Bare

    22- Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal

    23-Ilhaan Maxamed Jaamac

    24- C/laahi Ismaaciil

    25- Baashe Yuusuf Axmed

    26- Axmed Xaaji Cali Cadami

    27-Prof Ismaaciil Muumin Aare

    28-Cali Cabdi Saadiq

    29- Cabdi Siciid Faahiye

    Ilhaam max’ed Jaamac waa xubintii saddexaad ee Xisbiga Kulmiye u Magacaabo jagadan ee ka soo jeeda Beesha Guddoomiyaha Xisbiga,oo labadii xubnood ee ka horeeyay midkood uu iscasilay, kii lagu bedelayna oo ahaa Cali Biikalo ay Xisbiga iskaga horyimaadaan aragtidii markii hore uu Xisbigu u soo xushay ee ahayd inuu difaaco danaha Xisbiga ee Komishanka taasoo sababtay inuu Xisbigu taageero eriga xubnihii hore ee Komishanka

    Arrintani waxay meel ka dhac ku tahay xeerka Doorashooyinka Xeer No: 20. oo si cad u qeexaya xubinimada Guddida Doorashooyinka, waxaana laga yaabaa inay carqalad ku noqoto heshiiskii axsaabtu dhawaan qaadatay oo aan ilaa hada suurto galin, waxaana arrintan xilkeeda leh Golaha Wakiiladda oo ay awoodiisa Distooriga ah tahay inuu waafajiyo sharciga ka hor intaanay ansixin.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: