SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xaflad Loo Sameeyay Jaamacadii Labaad Ee Ka Soo Jeeda Itoobiya Oo Laga Furay Somaliland.

    Posted by Sawnews.tk on October 9, 2009

    Xaaji Cabdi Waraabe Oo Farriin Culus U Diray Ilma Ismaaciil Samatar.

    Hargeysa(Sawnews) Oct. 8, 2009 ­- Jaamacada Addis Ababa Medical College ee dalka Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah xarun uga furatay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, waxaana lagu baran doonaa culuumta caafimaadka

    Xafladii Furitaanka jaamacadaasi oo maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay, Guddoomiyaha UCID, Wasiirka Maaliyada, Wasiirul Dawlaha Caafimaadka, Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada, masuuliyiin ka socday jaamacadaha kale ee dalka ku yaala iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil.
    Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay xafladaasi ayaa soo dhaweeyay oo Bogaadiyay dadka ka yimi dalka Dariska la ah Somaliland ee Itoobiya ee jaamacadaha ka furay dalka, waxaanu yidhi “Waxaanu hambalyaynaynaa dadka noo keenay waxbarashada ee jaamacadaha dalka ka furay, maalin dhawayd waxaanu joognay qalin jabintii Jaamacada ADMAS oo noqotay mid ka mid a jaamacadaha ugu wanaagsan Somaliland oo iyana ka soo jeeda Itoobiya.maantana haddii ay Medical College inooga timid gacmo furan ayaanu ku soo dhawaynaynaa.”

    Gudoomiyuhu wuxuu u mahad naqay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ee labadhan jaamacadood ee Itoobiyaanka ah siiyay ruqsada waxbarashada.

     

    Md. Faysal Cali Waraabe wuxuu ku baaqay in manaahijta waxbarashada ee ardayda dalka la mideeyo.

     

    Xildhibaan Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa hadal uu xafladaasi ka jeediyay wuxuu ammaan u soo jeediyay aqoon yahanada dalka keenay College-kan Addis Ababa

    Medical College, waxaanu arrintan ku tilmaamay mid ka turjumaysa heerka iskaashiga labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

     

    Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu sheegay in khilaafaadkii dalka la xaliyay wuxuuna ku Murashaxiinta tartamaysa ku dardaaray inay walaaltinimo iyo kal-gacal ku tartamaan.

     

    Xaaji Cabdi Waraabe, wuxuu sheegay in Somaliland iyo dalalka mandaqaduba aanay mahadin midowgii Somaliland iyo Somalia sanadkii 26-kii June 1960-kii.

     

    Md. Cabdi Waraabe wuxuu ka hadlay in Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka soo jeeda Somaliland hase ahaatee naqdiya qaranimada Somaliland, waxaanu yidhi “Rag mutacalimiin sheeganaya ayaa imika dibadaha inagaga soo afuufaya dibadaha oo mutacalim iska dhigaaya, ninka Ina Ismaaciil Samatar la yidhaahdaa waa aqoon yahan waa reer Gabilay waa nin masuuliyad qaadi kara, wali inooma uu soo jeedsan.meeshaasi cidlada ah

    (Somalia) ayuu wali qalbiga ku hayaa, isagana waxaan leeyahay waar hoos u eeg. Markay dawladoobaan waynu wada hadli doonaa.maanta danta Somalia waxay ku jirtaa Somaliland oo ay ictiraafaan, inaguna aynu iyaga caawinaa ayay danteenu ku jirtaa.”

     

    Sidoo kale waxa munaasibadaa ka hadlay Wasiirul dawlaha Caafimaadka Axmed Cali Shire, waxaanu sheegay inay Jaamacadan soo dhawaynayaan waxaanu tilmaamay inay ka dhalatay cilaaqaadka wanaasan ee u dhaxeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

     

    Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadan cusub ee Addis ababa Medical College, wuxuu sheegay inay jaamacadan u fureen si ay dhalinyaradu uga maaranto inay waxbarashada sare u tagaan dalalka dibada.

    Waxaanu sheegay in Jaamacadani ay xarunteedu tahay Addis ababa isla markaana qeybtani ay tahay tii tobnaad ee jaamacadaasi leedahay, waxaanu xusay in sagaalka xarumood ee kale ay ku yaalaan dalka Itoobiya gudahiisa.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: