SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Taageeray In Suxufi Ku Biiro Komishanka Doorashooyinka

    Posted by Sawnews.tk on October 9, 2009

    electionHargeysa(Hargaysa)- Guddoomiyaha Urur-saxaafada Somaliland ee SOLJA Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa taageeray Tallaabada Golaha Guurtida Somaliland ay labadii xubnood ee ay u soo xulayeen Komishanka doorashooyinka ay mid ka mid ah u magacaabeen Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiye Ku Xigeenka Jamhuuriya Media Group, waxaanu tilmaamay in suxufigaasi uu yahay nin u qalma oo ka soo dhalaali kara xubinimada Komishanka doorashooyinka.

    Guddoomiyaha SOLJA wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu caawa u waramayay shabakada Ramaas News, waxaanu bogaadiyay Xasan Siciid Yuusuf iyo Golaha Guurtidaba waxaanu yidhi “Waxaan soo dhawaynayaa tallaabada Golaha Guurtida Somaliland ay xubin Komishan ugu magacaabeen Md. Xasan Siciid Yuusuf, oo ah Suxufi aqoon leh oo ka soo bixi kara xubnaha Komishanka doorashooyinka, waana wax aad loogu farxo in nin Suxufi ahi ka mid noqdo xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka, oo waxaanu urur ahaan Anigoo ku hadlaya magaca Suxufiyiinta Somaliland hambalyo u diraynaa Xasan Siciid Yuusuf.”

    Mustafe Shiine wuxuu Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay inuu saxeexo oo uu Golaha Wakiilada  u gudbiyo suxufigaasi Guurtidu  u soo magacaabeen xubinimada Komishanka doorashooyinka.

    Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu bahda Saxaafada Somaliland u soo jeediyay inay taageeraan Xasan Siciid Yuusuf

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: