SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • CODSI KU SOCDA MAAMULAYAASHA SHABAKADAHA REER ADAL

    Posted by Sawnews.tk on October 9, 2009

    hand writingWalaalayaal, Waxa had iyo jeer ku soo kordhaya shabakadihiina cay, xumaan farabadan iyo kala qaybin. Waxa ku badan dad is weeraraaya oo si xun oo dabar jabis ah isu caayaa. Xumaantaasi waxay ka timaada siyaasada bugta ee dhamaan Somaliland ka jirta.

    Walaalayaal, waa kuwa hogaanka u haya shabakadahaasi  e, waxan idiin soo godbinayaa codsigan gaaban ee haddii illahay laga helo wax ku qaata:

    Way jirtaa in Adal ay ku kala qaybsantahay siyaasad iyo qabyaaladba, hase yeeshe waxay Somalido ku mahmaadaa HABAAR HOOSTAADA MA DHAAFO.  Walaalayaal waa foolxumo haddii dad dan gaar lehi magaxumo idiin soo jiidaan, dadkana xumaan ku abuuraan.Kuwa xumaanta ka sheqeeyi yaanay idin adeegsan. Jawaabaha ay dad kaasi idiin soo dirayaani waxay noqdeen silsilad, iyo WAXAAD TIDHIBA LAGU YIDHI. Waxaa la isu caayayaana waa hebelbaan taageeraa iyo hebelbaad taageertaa, kaygaa kaa fiican iyo maahe e kaygaa fiican. Siyaasada waa lagu kala qaybtami karaa waana mid dadka aduunku isu tixgeliyaan. Qofku wuxuu doonuu aaminsanaan karaa, laakiin waa in si cilmiyasan loo gorfeeyaa xaajada dantagoodna la ilaashaa. Kuwa iyagu si kale isu haysti ha is raadsadaan ee yaaney idi soo sudhan.

    Waxan idinka codsanayaa inaad Ku dhiiri gelisaan buslshada Siyaasdad qeexan iyo falanqayn nadiifa ah.  Walaalayaal,  iska diida in Shabakadihiinu noqdaan QASHIN QUB. Walayaal wax weynbaad u qabataan Adal ee tacabkiinu aanu noqon biyo col dhaashay. Iska ilaaliya wixii karaamadiina iyo sharaftiina wax udhimaaya. Haddii dad gaar ihi idin caayaan ha u jawaabina, kuwa kale ee caytamayana ha ku soo dhawaynina Shabakadihiina.

    Waad mahasantihiin. Mohamed Mousa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: