SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Afhayeenka Xisbiga UDUB oo ku Baaqay in laga fiirsado Xubnaha K /Doorashooyinka ee la soo dhisayo

    Posted by Sawnews.tk on October 9, 2009

    cali-gurey Hargeysa – Afhayeenka Xisbiga Tallada dalka haya ee UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf, ayaa si adag uga baaqay in laga fiirsado xubnaha Komishanka doorashooyinka ee la soo dhisayo, waxaanu Golaha Guurtida ku eedeeyay inay dhinac u  olalaynayaan. Afhayeenku oo ka hadlayay nooca sifooyinka looga baahan yahay xubnaha Komishanka doorashooyinka noqon kara waxa uu yidhi“Mabda’ ahaan Anagu (UDUB) waxaanu aaminsan nahay  wadankan cida doorasho gaadhsiin kartaa inay yihiin todoba xubnood (Komishanka doorashooyinka) oo laga dhex xulay ummad dhexdeeda kuwaasi oo laga doonayo inay dhex u noqon karaan murashaxiinta tartamaysa, todobadaasi xubnood inay leeyihiin kartidii iyo aqoontii looga baahan yahay.” 

    Cali Guray wuxuu tilmaamay haddii laga fiirsan waayo xubnaha komishanka cusub farta dhexda laga qaniini doono, waxaanu yidhi “Haddii laga fiirsan waayo xulista Komishanka waxa dhici doona imika ayaan sii sheegayaa waxa iman doonta oo jira Komishankan imika aynu kala dirayno waxaynu nidhaahnaa waxa ka wanaagsanaa Komishankii hore ee doorashooyinkii hore qabtay, sida maanta muuqata haddii komishanka cusubi kuwa aanu maqmaqlayno ay yihiin kuwo barito la odhan doona waxa dhaamay komishankii la kala diray.”

    Afhayeenka Xisbiga UDUB oo ka hadlayay Golaha Guurtida oo laba xubnood soo xulaya wuxuu yidhi “Waliba waxa muuqata Guurtida lafteedu inaanay dhex ahayn  ee ay dhinac u olalaynayso, waxaan rajaynayaa in heshiiskii asxaabtu aanu noqon sidii ninkii nacaska ahaa ee inta uu lumay la soo helay ee yidhi maxaa la igaga farxi bariba waan lumiye’e, runtii waxaad moodaa in arrintaa bilowgeedii cagta la saaray. Waxaanay ka bilaabmaysaa komishankaasi nooca uu noqdo. Waxaan leeyahay murashaxiintu dib ha iskugu noqoto, Guurtidu dib ha isagu noqoto oo todoba xubnood oo cid kastaaba saxdo soo magacaaba”

    “Waxaan leeyahay waar ama afeef hore aynu lahaano ama adkaysi dambe aynu lahaano,waxaan leeyahay sadex murashax waar idinkoo Madaxweyneyaal doonaya inaad noqotaan ma waxaad ku heshiin kari weydeen inaad ku heshiisaan todoba nin oo idin dhex dhexaadiya, oo kolba intaad kudaafad meesha keensataan markay doorashada qaban kari waayaana inaad tidhaahdaan kaalaya dadweynoow oo birta iska asla,”ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf oo caawa u waramayay Telefishanka qaranka ee dawladu gacanta ku hayso.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: