SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Haweenka Somaliland oo Dib u Bilaabay Olole ay ku Raadinayaan Kuraas Kooto ah oo la Siiyo

    Posted by Sawnews.tk on October 8, 2009

    haweenka somalilandHargeysa (Jam)- Haweenka Somaliland, ayaa mar kale dib u soo celiyey olole ay ku raadinayaan inay helaan manaasib ay talada dalka kaga qaybqaataan oo si kooto ah loo siiyo, taas oo hore ugu hirgeliwayday.

    Hoggaanka sare ee dallada haweenka Somaliland ee NAGAAD, ayaa kulan tabashooyinkooda ku soo bandhigeen waxay shalay xarunta Golaha Guurtida kula yeesheen Guddiga Joogtada ah ee golahaas, kaas oo ay si weyn ugu soo bandhigeen mudanayaasha ay la kulmeen caqabadaha ka hortaagan ka qaybqaadashada talada dalka iyo sida shuruucda dalku xuquuqdooda siyaasiga ah u duudsiday.

    Kulankan hoggaanka dalladda NAGAAD la yeeshay Guddiga Joogtada Golaha Guurtida oo labada dhinac is mug leh isu dhegaysteen, waxa uu ka dambeeyey kadib markii hore Golaha Guurtidu u horistaagay xeer la doonayey in manaasib kooto ah lagu siiyo haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay oo Golaha Wakiilladu u ansixiyeen in haweenka la siiyo saami dhan 20%. Waxaanay mudanayaasha Joogtada ee ay la kulmeen ka garaabeen cabashadooda, iyagoo sheegay inay hordhigi doonaan gole waynaha marka kalfadhiga goluhu dib u furmo.

    Haweenkaas cabashada la hortagay Guddiga Joogtada ah ayaa dhawr xubnood oo halkaasi ka hadlay, waxay faahfaahin ka bixiyeen caqabadaha ka hortaagan dumarka inay talada ka ka qaybqaataan, waxaana hadaladooda jawaabo ka bixiyey qaar ka mid ah mudanayaashii ay la kulmeen.

    Agaasimaha Fulinta ee Dalladda NAGAAD Marwo Aamina X. Maxamuud Warsame oo ka mid ahayd xubnihii kulankaas ka hadlay, ayaa tilmaantay in mushkilada ugu weyn ee haweenku ku waayeen xuquuqda siyaasadeed ay tahay mid salka ku haya qabyaalad oo u dhaxaysa dhaxdin iyo dhalasho.

    “Duruufaha yaala waynu ognahay, waddankeenu qabiil buu ku dhisan yahay, gabadha halka laga taagan yahayna waynu ognahay. Tartanka dee annaga (dumarka) ayaa idinka badan ee waataanu tartanay. Adduunyada dumarku tartankana way ka qaybgalaan, Tirana (kooto) way u sameeyaan, labada way dhici kartaa in la isugu kaayo daro, markaa tartanka waa la tartamayaa kolay wax weyn ku helimaynee, laakiin tiradiina way ku jirtaa meesha oo haddii aanu nidhaahno halkaa (mansab ama gole) tiro uun noogu gooya waxay noqonaysaa in tartankii in la reebo, sida lagu dhaqmaana waa sidaa, waayo waddan kasta dumarku wixii nasiibkoodu siiyo way tartamaan wax naf lihi kama soo baxaan, laakiin tirada loo qoondeeyey ee kootada ah ayaa ugu badan oo ay ku soo baxaan,” ayey tidhi Marwo Aamina X. Maxamuud Warsame, waxaanay intaas raacisay, “Waad ogtihiin oo tartankii guntaanu soo xaadhnay, aniga waxay igu yidhaahdaan reerkayagu shaqo naguma lihide reer baad u dhaxdaye qabo, kuwii aan u dhaxay markaan u taganay waxa la igu yidhi dee reer baad ka dhalataye anaga waad noo timi uun. Markaa arrintaas ayaa taagan ee waa in talo looga wareego oo haddii lala yimaado faham oo la yidhaa arrintani waa mid gar ah ee siday ku soo bixi karaan kooto.”

    Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Guurtida Md. Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo jawaab ka bixiyey hadalka ay u jeedisay Agaasimaha Fulinta Nagaad, waxa uu sheegay in dumarku kaalin weyn kaga jiraan dalka, sidaa daraadeedna ay cabashooda wax kala qabanayaan, una gudbin doonaan golahooda.

    “Annagu arrinkan aad maanta (shalay) noo keenteen iyo kii hore intaba wax baanu idinkala qabanaynaa haddii Alle yidhaa, waxaynu ognahay dadka maanta waxa wax u qabta ragga iyo dumarka ee u khayr roon ee aad u wax u qabtaa waa dumarka, reer kastaa qof dumar ah ayuu ku taagan yahay, dalka maanta waxtarkiisu waa dumar, inaad ka madax noqotaana raali baanu ka nahay. Arrintiinana golaha ayaanu horgaynaynaa, waxaanuna ku horreysiinaynaa Shirguddoonka, waxaanu idinka ballanqaadaynaa inaad inta aad doonaysaa iyo in le’egba idinkala qabano,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Guddoomiyaha Guddiga Joogtada Guurtidu.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: