SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xaflad Balaadhan oo uu xisbiga UCID kula kulmay Ardayda Ka qalin jabisay Jamacadda camuud

    Posted by Sawnews.tk on October 7, 2009

    Booarama(Sawnews) Xaflada maanta ee xisbiga Ucid kulan heer sare ah oo xisbiga Ucid maanat la yeeshay Jaamiciyiinta jaamacada camuud xafladan waxa su’aalo lagu waydiinayay labada murashax ee xisbiga Ucid Eng. faysal cali waraabe iyo Dr. Maxamed rashiid Sh Xasan .
     
    ugu horayn waxa hadalka xafladan furay gudoomiyaha Ucid ee G/awdal abuubakar xuseen Miicaad. waxa kale oo ku xigay Xidhiidhiyaha Labada gobol salal iyo awdal ee Xisbiga Ucid Axmed Muumin seed.
     
     
    waxa si diiran loogu soo dhaweeyay oo Hadalo qiima leh yidhi Musharaxa u taagan Jagada madaxwayne ku Xigeenka Xisbiga Ucid Dr. Maxamed rashiid Sh Xasan.
     
    waxa gabagabada loo daayay qudbada Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal caliwaraabe) oo jeediyay
     
    Ugu horayn yidhi Inaa lilaa wa inaa raajicuun walaalayaal waxa Hada la ii sheegayay oon Tacsi U dirayaa Suldaan Muxumed Nuur Geele, oo ahaa salaadiintii Nabada iyo dawlad nimada soomaaliland Dhidibada U taagay ka mid ahaa taariikh badana ku leh soomaaliland iyo soomaaliyabada walaalayaal tacsi ayaan u dirayaa Suldaan “guray”  Ilaahayna Janadii ha geeyo Aas ka qaran ee loo samaynayana inshala waan ka qayb galaynaa./
     
    suldaanku waxuu inoo dhalay Janan keena cabdi Guray.
     
    Tacsidaa kadib ayuu hadana Faysal cali waraabe raaciyay tacsi kale oo ah ragii Jidka Lagu Qashay ee la goo gooyay oo Tacsi uu u diray dhamaan soomaaliland iyo Qoysaskii ragaasi ka baxaanba waxana uu gudoomiyaha Ucid dhacdadaa ku tilmaamay Mid Qaranka Dhaawacday mar labaad waxaan la yaabanahay ragii falkaa gaystay oo iska Jooga cidina soo qaban wayday waa yaan daro iyo Dawladeena oo Diciifa.
     
    Faysal cali waraabe isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi waxay ahayd Falkaa inay wax ka qabtaan reer Hargaysa iyaga ayayna U talaa, hadii reer Hargaysa wax ka qaban waayaan waxay u talaa reer bariga soomaaliland.
     
     
    Arinka Dhulka iyo ciidamada is horfadhiya waa arin muragaleh walaalayaal dawladeenu waxay noqotay sidii ciidamadii UN-ka waxna kama qabato hadana waxy tidhaa ciidan ayaan kala dhax Dhignay
     
    Intaa ka dib waxa La daawaday filim cajaaiba oo ka hadlaya xaaladaha soomaalinad siiba dhalin yarada sawiradii lagu soo bandhigay Gidaarka waxa ku jiray oo xasuus gaara lahaa garoonka Cubada Cagta ee xasan sheekh muumin oo Gawaadhi iska rogooyin ah ay ka Guraan gudaafada iyo tahriibka dhalin yarada.
     Abaabulka xafladan maanta waxa isku dubaridey si heersare ahna uga sii shaqeeyey Gud. deg/ xisbiga Ucid maxamuud cabdi Xuseen Guudcade iyo Gudomiayah garabka dhalinyarada caqaadir iyo Gudoomiyaha xisbiga UCID ee labada gobol Awdal iyo Selel Mudane Seed
    filimkaa ka dib waxa bilaabmay su’aalo la waydiinayay labada Murashax waxana waydiinayay dhalin yarada xaflada loo qabtay ee Jaamacada camuud sanadki hore ka qalin jabisay kuwaasoo iskugu jira wiilal iyo gabdho.
    ucidborama3ucidborama6ucidborama4ucidborama

    Source Saylac

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: