SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maxaa hakiyay ku dhawaaqistii dhismaha Komishanka cusub?

    Posted by Sawnews.tk on October 7, 2009

    “Guddoomiyuhu (Siilaanyo) isagu Sharci gaar ah ma samayno. Sababtoo ah..…” Guddoomiyaha UCID

    election of somalilandHargeysa (Sawnews)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku saabsanaa dhismaha Komishank cusub.
    Faysal Cali Waraabe oo xalay Wargeyska Ogaal khadka Telefoonka wax kaga waydiiyay halka ay marayso dhismaha Komishanka cusub, waxa uu mar kale ku celiyay inay soo celinayaan Mahdi Maxamed Guulleed (Khadar) oo ay bilo ka hor u xuleen Komishanka Doorashooyinka, balse todobaadkii hore is casilay. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay weli inaan si rasmi ah dhinacyada ay khusaysaa u soo magacaabin xubnahooda Komishanka.
    Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay hadal Guddoomiyaha KULMIYE ka soo yeedhay oo la xidhiidha in aanay Axsaabtu heshiis ku ahayn in la soo celiyo xubnihii Komishanka hore qaarkood, waxa uu ku jawaabay, “Guddoomiyuhu (Siilaanyo) isagu Sharci gaar ah ma samaynayee, waxa weeye Guddoomiyuhu wuu ogaa markii aanu guddigii dhexdexaadinta u sheegaynay ee aanu lahayn xubintayadu wuu cusub yahay ee nala yidhi, ‘isagu waa arrin gaar ah’. Markaa anagaa shaqo ku leh qofka aanu soo celinaynee, cid kale shaqo kuma leh.”
    Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay ka go’an tahay inay dib u soo magacaabaan Khadar Maxamed Guulleed oo uu sheegay inay hore ugu bedeleen Alle haw naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Xaaji Bidaar, ka dib markii bedelkiisa laga dalbaday. Wuxu tilmaamay inay xilligaaba u hogaansameen dalabkii bedelaada xubintooda, isla markaana aanay jirin sabab ay u bedelaan Khadar Maxamed Guulleed oo uu sheegay inuu muddo kooban xilka hayay, wax dembi ahna gelin. “Annagu isagaanu soo celinaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Wuxuuna intaa ku daray, inay weli socoto hawlaha la xidhiidha dhismaha Komishanka cusub.
    Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay inay magacaabeen bedelka xubintoodii Komishanka, waxa uu sheegay in aanay weli gudbin. “Weli maanu gudbin, balse waanu gudbinaynaa oo diyaar baanu u nahay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Wuxuuna intaa ku daray, in balan ay maalmaha soo socda la leeyihiin Madaxweynaha ka dib ay gudbin doonaan wakiiladooda Komishanka cusub.
    Geesta kale, sida ay baahisay Idaacadda Madaxa bannaan ee Horyaal, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa mar Idaacadda Horyaal wax ka waydiisay Kulan dhex maray labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo UCID iyo waxyaabaha lagaga wada hadlay, wuxuu sheegay in lagaga wada hadlay kulankaa dhammaystirka magacaabista Xubnaha cusub ee Komishanka. Sidoo kale, siday sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Madaxweyne Rayaale iyo Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee Kulmiye iyo UCID ayaa la filayaa inay maanta mar kale ku kulmaan aqalka Madaxtooyada.

    ogaal

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: