SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Weraarpress waxa ka daran kuwa horay u sii jiray ee dabka hurinjiray oo ay u horayaan Saylicipress iyo Bakipress By Nuur Ibraahim

    Posted by Sawnews.tk on October 6, 2009

    hand writingWaxa hubaala in ay reer AWDAL/SELEL dhexdooda maanta jirto xurguf aad u balaadhan oo la odhan karo waa tii ugu waynayd ee soomarta muda badan laakiin waana wax laga wada xumaado is afgaranwaaga maanta ina dhexyaala.

    Laakiin hadaan u gudbo hadafka ujeedadayda  waa wax aad loola yaabo in maanta shabakad cusub afkaarteeda lagu wada dhaga xaraamo iyada oo ay horay u jireen shabakada badan oo sumeeya siina huriya arimaha murugsan ee maanta dhexyaal reer awdal. Mana garan sobobta shabakada Weraapress .com looga wada xumaanayo afkaarta ay soo bandigtay iyada oo sida aan sheegnayba ay jiraan shabakado aad u qalafsan oo la odhan karto wax kasta oo kala gayna oo reer awdal dhexyaalaba maanta iyaga ayaa abuuray.

    Shabakadahaa hadaan qaar ka soo qaadano waxa ugu horeeya kuwan hoos ku qoran

    1)      Saylicipress.net

    2)      Lughaya news

    3)      Bakipress.com

    Sadexdaa shabakadood iyo kuwo kale oo badanba waa kuwa habeen iyo dharaar u taagan kala qaybqaybibta iyo qabyaalada beelaha Samaroon.

    Waana hubaal dadka qoraayi in ay yihiin dad aanu aqli u dhinayn laakiin ay yihiin kuwo nacaybka beelaha walaala hood ahi kala waynyahay wax walba.

    Waxa kale oo wax lala yaaba ah sida loo waayay in la helo dad ka tirsan beelaha ay ka soo jeedaan shaqsiyaadka websiteyada  aan soo sheegnay leh oo wax u sheega ama raali ka bixiya waxyaalaha ay soo daabacaan.

    Haday walaalnimada iyo waxa laga hadlayi wax jira yihiin oo in yar uuni dhibta wado maxaa loo waayay cid qabata nimanka leh Web aan soo sheegnay

    Aniga waxay ila tahay in haduu gadabuursi kala burburay loo aaneeyo ninamka shabakadaha aan soo sheegnayle. Weraarpressna ay tahay uun weerar celis.

    Nuur Ibraahim

    Boorama Awdal

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: