SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warsaxaafadeed:Madaxweyne Rayaale Oo rasmi ah u Aqbalay is-casilaadda ay soo jeediyeen gudidii Komishanka doorashooyinka Qaranku

    Posted by Sawnews.tk on October 6, 2009

    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

    Somaliland_COAWarsaxaafadeed
    Date: 06/10/09

    Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta oo salaasa ah bisha octoobarna tahay 6/2009 qoraal uu soo saaray uu si rasmi ah uga aqbalay iscaslaadii ay soo jeediyeen gudidii Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

    Madaxweynuhu waxa uu qoraalkiisaasi si weyn ugu mahadnaqay hawlhii ballaadhnaa ee ummadda iyo dalkaba ay u soo qabteen gudidii komishanku mudadii ay xilka hayeen, taas oo madaxwynuhu uu ku tilmaamay in ay mutaysteen abaal marin iyo taariikh ay dalka ku leeyihiin.

    Madaxweynuhu qoraalkiisaasi aqbalaada iscasilaada komishanka waxa kale oo uu ku yiri “ Waxa ay qaranka iyo dadkiinuba aanay iloobi doonin, sida waddaniyada, dad jecaylka iyo daljacaylkale ee aad danta umadda uga hormariseen tiina gaar ahaaneed, idinkoo xilkiinii maanta uga degay danta guud ee ummada, una fududeeyey hirgalinta heshiiskii saddexda xisbi qaran ay isla qaateen.

    Waxa madaxweynuhu u rajeeyey xubnaha gudidaasi xilkoodii iska casilay, mustaqbal fiican in Illaahay ku guuleeyo kana abaal mariyo hawlihii ummada ay u soo qabteen.

    Allaa Mahad Leh

     

    Siciid Cadaani Mooge

    Afhayeenak madaxtooyadda JSL

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: