SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Jawi Colaadeed oo Markale hadheeyey Degaanka Ceel-Brdaale, Dareenka Shacbiga Iyo Tallaabada Xukuumadda.

    Posted by Sawnews.tk on October 6, 2009

    News-and-EventsBorama(Sawnews)Wararka ka imanaya degaanka Ceelberdaale ee kala hoos yimaadda maamulada Awdal  ayaa mar kale laga soo sheegeyaa xaalad dagaal iyo abaabul hor leh oo dhinacyada isku degaankaasi looga baqayo inay foodda isku daraan. Wararkan oo ilaa shantii maalmaood ee ugu dambaysayba kusoo qilqulayey Boorama ,ayaa sidoo kale  la kawsaday abaabul dagaal oo laga dareemayo Boorama, Dila iyo degaanka Ruqi ee degmada Baki, halkaasoo sida la sheegayo abaabul la mid ah  kana ka socda G/awdal  isna lagasooa dhaqaajinayao degnaaka Gebilay.

    Wararkii ugu dambeeyeuy ee ka imanaya jiiddaasi ayaa sheegeya in maleesiyobeeleedyada u diyaargaroobaya dagaal mar kale ka qarxa jiidaasi haatan ka atiro badanyihiin kuwii hore iskugu haleeyey dhulkaasi, isla markaana laga baqayo in khasaare ka xoog badan kuwii hore uu dhulkaasi ka dhaco.

    Aabaabulka colaadeed ee mar kale ka hilaacaya degaanka Ceelbberdaale iyo degaanada ku dhaw ayaa  wararka lka imanaya dhinaca maamulka Awdal sheegeyaan in waayadan dambeba, gaar ahaan tobankii casho ee ugu dambeeyey la arkayey dhaqdhaqaaqa maleesiyo beeleedka kasoo jeeda degaanka Gebilay, una diyaargaroobayaan duulaann ay kusoo qaadaan dhinaca kale.

    Inkastoo anay jirin dedaal dawladeed iyo hadal ku saabsan xaaladda dhulkaasi oo kasoo baxay dawladda iyo dhinacyada isku haya degaanka ceelberdaale, balse warar ka madax bannaan labadaa dhinac ayaa sheegeya in dagaal mar kale halkaasi ka dhacaa uu yahay wax la la baajin Karin haddii degdeg loo arki waayo cid ka hawlgasha.

    Warar laga helaya dhinaca meelsiybeeleedka reer Awdal, ayaa sheegeya in ciidankii qaranka ee halkaasi u joogay ilaalinta amniga ay iska dhegotireen maleesiyobeeleedka Gebilay, sidaa darteedna ay u diyaargaroobayaan daafaca dulaan kaga yimaadda dhinaca kale.

    Si kastaba ha ahaatee jawiga colaadeed ee kasoo laba kacaleeyey degaankaasi, ayaa laga yaabaa inay galaafato amniga iyo midnimada reer Soomaaliland ku doonayaan inay ku galaan doorashooyin dalka ka dhaca, kaasoo kusoo beegmaya wakhti ay Soomaaliland ka baxday qalalaase siyaasadeed oo caalamku ugasoo gurmadeen.

    Reer Awdal ayaa inta aaminsan in dagaalka Ceelberdaale  yahay xaalad ammaandarro ah oo dawladda Soomaaliland  waxaba ka qaban kari weyday haduu sii daba dheeraadana  uu saamayn ku yeelan doono guud ahaanba amniga dalka iyo qarannimada soomaaliland.

    Qaybo ka mid ah dadweynaha reer awdal ayaa si cad iigu sheegay in dagaalkani yahay mid ay ka dambeeyaan culimada, cuqaasha iyo waxgaradka beelaha dhexe, kuwaasoo odayaashoodii iyo waxgaradkoodiiba soo qaban waayeen dadki colaada wada, lana safteen dadkii geystay falkii jidgooyada ahaa ee lagu laayey dadkii rakaabka ahaa, kuwaasoo ay sheegeen inay si  xor ah  iskaga mushaaxayaan degaankii ay wax ku laayeen ciidamada dawladduna iska ag joogaan.

    Maxamed Cumar – Hyena

    Harowo.com, Boorama, Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: