SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Cali Biikallo Oo Saadaaliyay In Natiijadii Diiwaan Gelintu Aanay Midho Dhali Doonin, Doorashadana Mar Ay Noqotaba Lagu Geli Doono Diiwaan Gelin La’aan.

    Posted by Sawnews.tk on October 6, 2009

    “Waxaan axsaabta qaranka kula dardaarmi lahaa  gudoomiye-kuxigeenkii-komishanka-biikalo-smallkomishanka cusubna inaanay noqon kuwo dhibane u ah oo mar walba ay yidhaahdaan kuma kalsoonin”

    Hargeysa(Sawnews) Oct. 05, 2009 Guddoomiye Ku Xigeenkii komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Cali Maxamed Cabdalle (Biikallo) oo xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii Komishanka ayaa maanta shir-saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Hargeysa wuxuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in aanay natiijo lagu wada qancaa ka soo bixi doonin mishiinka kala shaandhaynaya macluumaadkii diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee dalka.
     
    Cali Biikallo wuxuu difaacay go’aankii komishanku ay ku laaleen macluumaadkii diiwaan gelinta, waxaanu tilmaamay in mar ay noqotaba doorashada lagu geli doono diiwaan gelin la’aan, waxaanu yidhi “Waxaan aaminsanahay Anigu in Doorashada Madaxtooyada lagu geli doono bilaa diiwaan gelin xilli ay ahaataba. Haddii aan ogahay qalabka lagu soo qaaday Server-ka macluumaadkii diiwaan gelinta. Waxa kale oo aan ogahay inaanu jirin qalab fahmi kara oo soo saari kara macluumaadka diiwaan gelinta. Hadii la yidhaahdo liiskii diiwaan gelinta ayaa la soo saarayaa waxay noqonaysaa in macluumaadkan badh la masaxo, taasina ay keeni doonto muran cusub oo ay arrintaasi ka horseedo dalka.”
     
    Md. Cali Biikallo wuxuu xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinka ee dhawaan la dhisayo kula taliyay inay arrinta diiwaan gelinta ka yeeshaan siyaasad iyo iskaashi wada shaqayneed oo ka fiican sidii markii  hore.
     
    Guddoomiye Ku Xigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinku wuxuu  axsaabta siyaasada ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan Komishanka ay hadda soo dhisayaan, si ay Guddidaasi cusubi u qaban qaabiyaan doorashadii Madaxtooyada, waxaanu yidhi “Waxaan runtii soo jeedinayaa oo aan Axsaabta qaranka kula dardaarmi lahaa xubnaha Komishanka cusubna Inaanay Noqon kuwo dhibane u ah oo mar walba xisbiyadu yidhaahdaan kuma kalsoonin iyo inay yidhaahdaan waa dhinac. Waxaan ku tallinayaa inaanay arrintaasi komishan qaran oo dambe sidayadii ku dhicin, oo aanay hawlo faro badan iyo wakhti badani ku limin inta ay leeyihiin komishanka kuma kalsoonin.”
     
    Md. Cali Biikallo wuxuu xusay inay isu casileen sidii loo hirgelin lahaa heshiiskii todobaadkii hore dhexmaray saddexda xisbi qaran ee lagu soo afjarayay khilaafaadkii dalka.
     
    Cali Biikallo, oo ahaa xubintii xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ay soo xuleen, ayaa ahaa xubintii ugu dambaysay ee is casishay ee Komishankan doorashooyinka ee la doonayo in la bedalo.
     

    Ramaasnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: