SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Deeqbixiyeyaasha Taageera Barnaamijka Dimuqraadiyada Somaliland Oo Balan Qaaday Inay la Shaqaynayaan Komishanka Cusub Ee La Soo Dhisayo, Khubarana Ay Soo Dirayaan.

    Posted by Sawnews.tk on October 5, 2009

    news-iconHargeysa(Sawnews) Oct. 05k, 2009  – Deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera barnaamijka hanaanka dimuqraadiyada Somaliland ayaa balan qaaday inay sii wadayaan taageeradoodii la xidhiidhay doorashada madaxtooyada isla markaana ay soo dirayaan marka ay dhawaan hirgasho heshiiskii sadexda xisbi qaran ee la xidhiidhay bedelaada xubnaha Komishanka doorashooyinka.
     
    Qaadhaan bixiyeyaashaasi waxa kale oo ay balan qaadeen inay la shaqayn doonaan Komishanka cusub ee la samayn doono si ay uga taageeraan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
     
    Deeq bixiyeyaashu waxay sidaasi ku sheegeen war-saxaafadeed kooban oo ay maanta ka soo saareen Magaalada Niarobi ee dalka Kenya, waxaanu u qornaa qoraalkaasi sidan:- “Deeqbixiyeyaasha oo ka kooban Guddida Gadh-wadeenka Barnaamijka dimuqraadiyadaynta Somaliland (USA,UK,EC,NORWAY,SWEDEN iyo DENMARK) waxay arkeen heshiiskii dhex maray sadexda xisbi qaran eek u saabsanaa doorashada Madaxtooyada ee soo socota ee lagu kala saxeexday Todobaadkii hore Hargeysa.
     
    Waxa aanu diyaar u nahay inaanu sii wadno taageerada gedi socodka doorashada Somaliland iyo iyadoo laga laga duulaayo heshiiskaa inaanu soo dirno khubaro marka la dhaqan geliyo wax ka bedelka Komishanka doorashooyinka Qaranka ee ay bilaabanto dhaqan gelinta heshiisku.
    Waxa aanu diyaar u nahay in aanu la shayno Komishanka cusub, si aanu u taageerno qabashada doorasho xor iyo xalaal ah  oo Somaliland ka dhacda.”
     
     
     
    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: