SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ururka Gabdhaha Ee Moon Light Oo Tabobar Ugu Soo Xidhay Gabdho Aad U Faro Badan Magaalada Borama

    Posted by Sawnews.tk on October 4, 2009

    moonlight-3.JPGUrurka Gabdhaha ee Moonlight ee magaalada Boorama ayaa markale soo gabagabeeyay tababar ku saabsan dhibaatooyinka gabdhaha ka soo foodsaara bulshada ee dhinacyada waxbarashada, caadooyinka xunxun, hogaanka bulshada iyo guriga lafahaantiisa, tababarkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa waxa ka soo qayb galay xidhitaankiisii hormoodka kuliyada Maamulka iyo Maaraynta ee jaamacada Camuud, Mis. Yurub Cabdiraxmaan Muumin, Xasan Halas Bare iyo waliba wakiilka dalada dhalinyarada ah ee SONYO ee GOobolka Awdal Md. Maxamed Aadan Ibraahim.
    moonlight-1.JPG
    Tababarkan oo la isugu  keenay 25tan gabdhood oo ay dadoodu u dhaxayso 18jir ilaa 25 jir ayaa waxa ugu horayntii siwayn ula hadashay gudoomiyaha ururka Moonlight Mis. Asra Sh. Abdilaahi Sh. Cali Jawhar, waxana ay si qoto deer. U tusalaysay in tababarkan oo dhowr goor oo hore soo qabsoomay uu wallí mid salka ku hay sidii ay haweenka soo korayaa u wadaagi lahaayeen waaya’argnimada dhinaca hogaanka ah iyo sidii ay gabdhahu u falanqayn laahaayeen dhibaatooyinka iskood u soo wajaha, waxa kale oo ay ku dardaartay dhamaan ka soo qaybgalayaasha tababarkan in ay si wayn uga faa’iidaystaan duruusta baxaysa isla markaana ay noqdaan kuwo haweenka dalka iyo gobolkaba u horseeda hormar. Mar ay ka waramaysay Mis. Asra ururka Moonlight ayaa waxa ay tidhi, bulshada wayn ka sokow Moonlight waa astaan u tagan in gabdhaha yaryar ee sookaraya la gaadhsiiyo  hormar wara oo mustaqbalka ah, isla markaana laga xoreeyo caadooyinka xunxun iyo dhaqanada dib u dhaca wata, loo abuuro kalsooni ay gabadhu wax ku barato ku hagaamiso bulshada isla markaana ku dhiibato fikirkeeda iyada oo marwalba la waafajinayo afkaarahaas diinta Islaamka. Waxa ay Mis. Asra u mahadnaqday dhamaan ka soo qaybgalayaasha  hayada UNICEF iyo dalada SONYO oo mashruucan si wayn garab uga gaystay.
    moonlight-2.JPG

    Xil. Xasan Halas Bare iyo Wakiilka SONYO ee G/Awdal Md. Maxamed Aadan Ibrahim oo iyaguna ka hadlay madashan ayaa waxa ay sheegeen in haweenka ay soo foodsaaraan dhibaatooyin waawayn isla markaana badan oo caadaadka bulshada salka ku haya, waxana ay xuseen inay lagama maarmaantahay in haweenka garran kuwa soo Soraya ay u guntadaan sidii aritan meesha looga saari lahaa. Waxa ay ku amaaneen ururka Moonlight kaalinta uu kaga jiro waxqabadka bulshada, waxana ay sheegeen in looga baahan haweenka ka qayb galayaashu ay ka faa’iidaystaan.
    moonlight-3.JPG
    Hormoodka kuliyada maamulka iyo Maaraynta ee Jaamacadda Camuud Mis. Yurub Cabdirahmaan Muumin ayaa waxa ay ka warantay in hablaha soo koraya ee maanta ay horyaalaan qabado badan oo u baahan inay si qoto dheer uga fikiraan si ay u noqdaan kuwo uga badbaada dib u dhacyo badan oo hore u haleelay haweenkii hore. Mis. Yurub waxa ay wax badan tusaalaysay sida loogu baahan qabo in ay haweenku si wayn waxbarashada ugu dadalaan isla marrana u kobciyaan maankooda, waxa ay sheegtay in tacloontu tahay mida kaliya ee burburinkarta dhamaan caadooyinka  xunxun iyo jahliga ragaadiyay haweenka, waxa ay ku tilmaantay Mis. Yurub tababarkan maniata mid ka mid ah wadooyinka cilmiga ay u baahan tahay gabadhu wxana ay ku dardaartay in ay siwayn uga faa’iidaystaan casharada ka baxaya tababarka.
    moonlight-5.JPG
    moonlight-6.JPG

    Tababarkii maanta oo ay ka qayb qaateen 25 gabdhood oo dhigta dugsiyada  dhexe iyo sare ee magaalda Boorama ayaa waxa casharadii ka baxayay qayb wayn ka qaadatay Mis. Hibo Maxamed Yusuf oo iyadu si hufan u soo bandhigtay hababka loo isticmaalo ka hadalka dhibatooyinka soo foodsaara hablaha iyo waliba sidii gabadhaha loo bari lahaa hogaanka wanaagsan.
    moonlight-7.JPG
    moonlight-8.JPG
    moonlight-9.JPG
    moonlight-10.JPG
    moonlight-11.JPG
    moonlight-12.JPG


    Lughayanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: