SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale iyo Gudoomiyayaasha Axsaabta mucaaridka oo Maanta ku Kulmay Madaxtooyada

    Posted by Sawnews.tk on October 4, 2009

    rayale-iyo-silanyo.JPGHargeysa-(Lug)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayaasha Axsaabta mucaaridka oo maanta oo Axad ah bishuna tahay 04/10/09 fadhi gaar ah ku yeeshay xarunta madaxtooyadda.

    rayale-iyo-silanyo.JPG

    Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayaasha labada xisbi Mucaarid Kulmiye , Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo UCID, Mudane, Faysal Cali Waraabe, waxa maanta fadhigoodaasi ay kaga wada hadleen sidii loo sii amba qaadi lahaa fulinta iyo ku dhaqanka lixdii qodob ee dhawaanta ay qalinka ku duugeen saddexda xisbi qaran, kuwaasi oo ujeedadoodu ahayd in la soo afjaro khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa.

    Kulankaasi saddex geesoodka ah ee madaxda saddexda xisbi qaran ay madaxtooyadda ku yeesheen, waxa ay ku heshiiyeen in la dar-dar galiyo heshiisyaddii ay dhawaanta kala saxeexdeen si toos ahna wada shaqayn iyo wada tashi ay had iyo jeer u yeeshaan si dalka ay uga qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

    Shirkaasi oo qaatay mudo 40 minit ah waxa ay ku heshiiyeen, Madaxweynaha iyo Gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarid in had iyo goor ay wada tashi joogta ah yeeshaan, waxana shirkaasi uu ku dhmaaaday is afgarad iyo jawi fiican.  

    Allaa Mahad Leh 

    Siciid Cadaani Mooge

    Afhayeenak madaxtooyadda JSL 

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: