SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Hoggaankii Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo xubno kale oo xilka iska casilay

    Posted by Sawnews.tk on October 4, 2009

    Jaamac_Sweden Axad, 4 October 2009 (HOL): Guddoomiyaha Guddida Doorashada Somaliland Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden) iyo saddex Xubnood oo kale ayaa iska casilay xilkii ay hayeen, maalin ka dib markii shalay ay iyana is-casileen laba xubnood oo uu ka mid ahaa Guddoomiyihii Guddida Diiwaangelintu.

    Ka dib murano la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka oo soo jiitamayay iyo Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland oo ku adkaystay in aanay ku kalsoonayn Komishanka hadda, ayaa shalay laba xubnood oo mid ka mid ahi ahaa Guddoomiyihii Guddida Diiwaangelinta ay iska casileen xilkii ay ka hayeen Guddida Doorashada. Iyada oo maantana ay sidoo kale ku dhawaaqeen inay iyana is-casileen Guddoomiyaha Guddidaas Jaamac Maxamuud Cumar iyo saddex xubnood oo kale oo kala ah, Maxamed Yuusuf oo hore u ahaan jiray Guddoomiyaha Komishanka, Xasan Cumar Hoorri iyo Maxamed Ismaaciil (Kabo-weyne) oo hore u ahaan jiray Guddoomiyaha guddidan.

    Xubnahan oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeisa ayaa sheegay in ka dib markay arkeen muranada jira, ay go’aansadeen inay xilka iska casilaan. Waxaanay shacabka iyo Axsaabta ugu baaqeen in ay karaameeyaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka. Guddoomiyaha oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in aanay jirin cid ka qaadi karta xilka, hase ahaatee ay eegeen danta dalka iyo duruufaha taagan oo ay iyagu garteen in ay is-casilaan.

    Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xubinta kaliya ee xubnihii Guddida Doorashooyinka oo dhan aan weli iska casilin oo ah Cali Maxamed Cabdalla (Biikalo) oo ahaa Guddoomiye-xigeenka Guddida Doorashada.

    Qodobada Heshiis ay wada-jir ay Qalinka ugu duugeen saddexda Guddoomiye Xisbi ee Somaliland ee Madaxweyne Rayaale, Axmed-Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa mid ka mid ahi uu dhigayay in la bedelo guud ahaan xubnaha Guddida Doorashada oo ay dhaliileen Mucaaradku hab-shaqayntooda.

     

    Hiiraan Online
    Hargeisa, Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: