SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xulka Kubada Cagta Ee Bobolka Awdal Oo Wada Tababaro Uu Isugu Diyaarinayo Safar Ciyaareed Dhinaca Djibouti(sixid)

    Posted by Sawnews.tk on October 4, 2009

    dscn0038.JPGBoorama-(Sawnews)-10kii cisho ee u dambeeyay ayaa waxa ka socda garoonka kubada Cagta ee magaalda Boorama tababaro dhinaca ciyaaraha ah oo ay qaadanayaan xulka kubada cagta ee gobolka Awdal.  Tababaradan ayaa waxa ay ujeedadoodu tahay sidii sare loogu qaadi lahaa tayada iyo khibrada ciyaaryahanada gobolka oo ay ku soo fool leeyihiin ciyaaro  xiisa badan oo saaxiibtinimo oo uu ku yeelan doono magaalada Djibouti.

    dscn0038.JPG

    Tabaraha xulka kubada cagta ee gobolka Awdal Tab. Samaroon Cabdilaahi Cilmi oo kusugnaa garoonka uu tababarku ka socaday ayaa uga waramay shbakada wararka ee Lughayanews in hawlha safarkani ay yihiin kuwo qorshaysan lana fulin doono dhawaan.

    dscn0040.JPG

    Tab. Samaroon waxa uu yidhi isaga oo ka hadlayay waxyaabaha qorshaysan “Waxa jita gudi farsamo oo loogu talo galay qabanqaabada safarkan xulka ah, gudinan oo kakooban walaalo qurbo joooga ah iyo kuwo kale oo dalka jooga waxa ay isku agaasimaysaa kharashka maalmaha safarka ee ciyaaryahanada, jadwalka ciyaaraha, helida martiqaadka iyo waxwalba oo uu xulku qaban soono mudadaas, ma rabo in aan ka hordhaco natiijada ka soo baxaysa, balse waxa aan sheegi karaa waa in waxwalba u socdaan si caadi ah wsi wanaagsan  dhawana ay waxwalba noo soo gabagaboobmi doonaan.

    dscn0045.JPG

    Waxa uu Tab. Samaroon iyo dhamaan xulka kubada cagta ee gobolka Awdalba ay siw ayn ugu mahad naqeen Md. Maxamed Xuseen Hadi, Md. Muxiyadiin Cabdilaahi Warsame waxana ay tilmaameen in ay kaalin muuqata oo lagu faano kaga jiraan kubcinta isboortiga gobolka waxa kale oo ay u mahadnaqeen Amoud Foundation oo ay sheegeen in ay si ku diirsasho mudan gacan uga gaysatay ololayaasha dhinacyada ciyaaraha fudud iyo dhismaha garoonka Boorama.

    dscn0047.JPG

    Xulka kubada Cagta ee Gobolka Awdal oo uu magaooda ku hadlayay tababare Samaroon Cabdilaahi Cilmi waxa ay soo dhaweeyeen dadaalka ay qurbajoogu ugu jiraan kobcinta isboortiga gobolka waxana ay ku booriyeen dhamaan qurbojooga in ay laba laabaan dadaaladooda.

    dscn0050.JPG

    Xulka oo maalmahan dambe qaadanaya tababaradii ugu adkaa ee abid soo mara ayaa waxa ay dadwaynaha reer Boorama siwayn isha ugu hayaan waxa ay noqon doonto natiijooyinka ay kala kulmaan ciyaaryahadu dalka Djibouti, waxa akle oo ay dadwayaha badankiisu la riyaaqsan yihiin xidhiidhada maalinba maalinta a dambaysa siiwanaagsanaanaya ee ka dhaxeeya qurbojooga iyo xulka kubada cagta ee gobolka Awdal.

    dscn0060.JPG
    dscn0069.JPG
    dscn0079.JPG

    lughaya

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: