SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Sarkaal ka tirsan Booliska Baki oo Rasaaseeyay Shaqaalaha D/Hoose ee Borama

    Posted by Sawnews.tk on October 2, 2009

    xaafada-Kuwait BooramaBoorama(Awdalpress) 01 Oct.09 – Sarkaal ka tirsan ciidamada amniga Gobolka Awdal ayaa tacshiirad huwiyey koox ka tirsan shaqaalaha dawladda ee Boorama oo cashuur sanadeed ka doonayey bakhaar ciidamada Bileysku sahayda dhigtaan oo ku yaala badhtamaha magaalada.

    Sida ay Dad goobjoog ahaa sheegeen in falkani dhacay kadib markii koox ka tirsan shaqaalaha dawladda Hoose oo bakhaarkaasi ka doonayey cashuur sanadeedku ay wada hadleen sarkaal ka tirsan ciidamada amniga oo markaa ku sugnaa bakhaarka, kadibna uu ku wargeyey in cashuurta bakhaarkaasi la bixiyey bil ka hor, balse aanay shaqaaalahaasi u dhegtaagin. Sarakaalkan oo la yidhaa Cumar Daahir ahna taliyaha saldhigga Booliska ee degmada Baki ayaa shaqaalahaasi u sheegay inay sugaan ninkii ka wakiilka ahaa bakhaarka, balse shaqaalahaasi ayaa sida la sheegay ka dhegeysan waayey, isla markaana isku dayey inay goostaan albaabada bakhaarka, kadibna ay farosaareen sarkaalkaasi oo ay ka tirobateen, sawaxankii iyo buuqii halkaasina sii batay.

    Sida dadkii halkaa joogay ay sheegeen sarkaalka ciidanka ayaa gacan ka hadalka shaqaaluhu ula tageen ka cadhooday kadibna qori halkaa yaallay uu ka riday tacshiirad haleeshay gaadhigii xamuulka ahaa ee ay wateen shaqaalaha dawladda Hoose, sidaana ay ku kala dareereen. Buuq iyo sawaxan halkaasi ka dhacay kadib ayaa dadweynihii halkaa joogay kusoo xoomeen goobta qaarna ka yaaceen markii ay rasaastu dhacday, taas oo aan cidna waxyeelin marka laga reebo gaadhiga ay daldaloolisay Rasaastu. Halkaana ay shaqaalihii dawladda hoose ee Boorama ay dib ugu laabteen xaruntoodii.

    Inkastoo aanay dhacdadan wax war ah kasoo saarin dawladda Hoose iyo Taliska ciidanka amniga gobolkuba hase yeeshee waxa intaa kadib maamulka dawladda hoose isku dayey in lasoo xidho sarkaalkaasi, hase yeeshee sarkaal ka gaabsaday in la magacaabo, kana tirsan ciidanka ayaa ii sheegay in shaqaalahaasi ay galeen dembi sidaa darteedna loo baahan yahay in iyaga la xidhxidho, balse aanu taliyuhu wax dembi ah ku lahayn arintaasi.

    Masuul ka tirsan dawladda Hoose oo aan isna arrintan wax ka weydiiyey ayaa ii sheegay in ciidanka amnigu ay ka galeen dembi, isla markaana la xidhxidhay shaqaalihii dawladda Hoose oo gudanayey waaji baadkooda shaqo ee dakhli ururinta, tallaabada ciidanku qaadeena tahay mid gef ah oo aan loo dulqaadan doonin.

    Dhinaca kale ilo ku dhawdhaw taliska ciidanka amniga ayaa iyaguna sheegay in weerarka shaqaalaha dawladda Hoose kusoo qaadeen bakhaarkaasi uu ahaa dembi, iyagoo aan u haysan fasax ay isku dayeen inay goostaan albaabada bakhaarka si loo boobo sahayd ciidanka Bileyska maadaama meeshu suuq tahay.

    arrintuna tahay shicib soo weeraray goob ciidan leeyahay, oo ay ahayd inay sifo sharciya usoo maraan haddii ay ka doonayaan cidda bakhaarka iska leh ee weliba sheeganaysa inay iska bixiyeen cashuurta lagu haysto.

    Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horreysay ee ay iska hor yimaaddaan laamaha amniga iyo kuwa Golaha deegaanka oo awal heshiis ku ahaa in laga wada shaqeeyo dakhli ururinta iyo amnigaba, lamana oga arrintan oo kaga cadhaysiisay masuulyiinta Golaha deegaanka Boorama meel ay saldhigi doonto.

    Shaqaalaha dawladda Hoose ayaa sanadahanba iyagu goosta albabada guryaha haddii ay degdeg u bixin waayaan cashuur sanadeedkan, taasoo marar badan dadka iska leh gurayaha iyo meheradaha oo laga yaabo inaysan haysanba wax ay ku bixyaan cashuurtaasi ay marar badan isku dhici gaadheen, hase yeeshe weli ma dhicin meel ay ciidamada Bileysku iskaga hor yimaaddaan shalay ka hor.

     

    Source :Haatuf

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: