SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Hotel Cusub oo la yidhaa LONDON ONTARIO oo laga Furay Boorama

    Posted by Sawnews.tk on October 2, 2009

    DSC01533Borama(Sawnews) – Hutel Cusub oo la yidhaa London Ontario ayaa maanta laga furay magaalada Boorama, hutelkaas oo uu leeyahay Daahir Siciid Magan oo degen wadanka Canada, waxaaa xafladiisa ka soo qaybgalay Duqa Boorama ,Madaxdhaqmeedo iyo Ganacsatada magaalada Boorama.
     
    Xafladaas waxa ka hadlay mulkiilaha Huteelka oo u mahadceshay dadkii ka soo qabgalay xaflada, wuxuuna sheegay in ay kaga baxday dhismaha Hutelkan lacag ka badan 140kun oo dolar, dhismaha hutelka ayaa socday sida uu sheegay mulkiile Daahir mudo sadex sano ah, taas oo marba inta uu soo shaqeeyo uu dib u soo noqonayay, Hutelka ayaa kooban 20 qol waana sadex dabaq.
     
    Waxa iyagu ka hadlay Suldan Cabiraxmaan Jaamac iyo Sh.Maxamed Saaweer oo sheegay in uu amaan mudan yahay mulkiilahan ku soo kordhiyay magaalada Hutelkan qurxda badan waanan u ducaynaynaa in uu u barakeeyo ayay yidhaahdeen,
    Ugu dambayn Duqa Boorama C/raxmaan Shide ayaa isna aad ugu mahadceshay Mulkiilaha Hutelka oo ah buu yidhi nin bilicdii magaalada ku kordhiyay Hutelkan isla markaana iyaga D/hoose ahaan ay ka heli doonaan Cashuur iyo dakhli ka soo gala , wuxuuna ka codsaday qurbajooga reer Awdal in ay iyagna dalka soo maalgashadaan sida Daahir(Canagele).
    Hotelka ayaa ku yaal Badhtamaha magaalada ama faras magaalaha Jidka Laamiga ah, waana Hotel ku soo kordhay Hoteelada la seexdo ee magaalada Boorama. isla markaana bilicdiisa iyo Cusaybkiisu soo jiidan doono dadka martida ah ee yimaad magaalada BooramaDSC01533DSC01529DSC01526DSC01524DSC01522DSC01514DSC01502DSC01476DSC01471DSC01466-2DSC01465DSC01462.

     

    Awdalpress

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: