SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Khudbadihii M/Weyne Rayaale Iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaridku Ay Ka Jeediyeen Xafladii Lagu Kala Saxeexanayay Heshiiskii lagu Soo Af-jray Khilaafaadka.

    Posted by Sawnews.tk on September 30, 2009

    Saxeexii-Lixda-qodob-150x150“Waa markii u horreysay ee taariikhda ee ay inoogu qormayso in cid kale ina heshiisiiso Anigoo jeclaa inaynu inaguba heshiino”
     
    Hargeysa(Sawnews) Sept. 30, 2009 – Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa galabta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ka kooban lix qodob oo dhawaan ay deeqbixiyeyaasha taageera qadiyada Somaliland ay soo hordhigeen dhinacyada siyaasada oo lagu soo afjaray khilaafaadkii ka aloosnaa dalka ee ka dhashay dib u dhicii doorashada Madaxtooyada.
     
    Xafladaasi oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliland waxa goob joog ka ahaa safiir Ku Xigeenka Safaarada Ingiriiska ee Itoobiya iyo Madaxa shaqaalaha ee Wasaarada Arrimaha Dibada Itoobiya, Shirgudoonka labada Gole ee baarlamaanka Somaliland
     
    Madaxweyne Rayaale:
     
    Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo xafladaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waa markii u horreysay ee taariikhda ee ay inoogu qormayso in cid kale ina heshiisiiso. Anigoo jeclaa inaynu inaguba heshiino, waxase aan jecelahay inaan heshiiskaa wixii ka dambeeya aynu inagu waxeena wadano oo aynaan cid dambe u baahan horta waan ku talinayaa.
     
    Waxaan jecelahay walaaltinimadeenii inaynu dib u noolayno, oo aynu ka maarano cid dambe haddii ilaahay yidhaahdo oo halkaasi aynu ka bilownay aynu hore uga sii socono si aynu doorasho u gaadhno wakhtiga ugu dhakhso badan.”
     
    Madaxweynaha Somaliland wuxuu u mahad naqay beesha caalamka ee dhex dhexaadisay Xisbiyada qaranka, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan u mahad naqayaa cid kasta oo isku dayday inay isku keen soo dhawayso.”
     
    “Qolyahaasi xidh xidhan ee mudahaadyada sameeyay amar baan ka bixiyay ah in wixii aan dembi gaysan la sii daayo oo la kala shaandheeyo, mana xidhnaan doonaan, cidii dambi sameeyayna dambigooda lagu qaado, kii aan dambi lahayna albaabka laga qaado ayaan hore u amray imikana amarkii ayaan daba galayaa” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo ka jawaabayay dalab uu Guddoomiyaha KULMIYE u jeediyay oo la xidhiidhay in xoriyadoodii loo soo celiyo dadkii lagu xidh xidhay Mudaharaadyadii dalka ka dhacay.

    Guddoomiyaha KULMIYE:
     
    Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuu yidhi “Heshiiska aynu maanta saxeexnay ee aynu galnay, oo aynu doonayno inay dhamaanteen si wada jir ah oo daacadnimo ah u wada fulino una socodsiino, Anaga waa naga daacad waxaanu jecel nahay in uu fulo.
     
    Waxaanu doonaynaa inaanu caddeyno inaanaan doonaynin in dalkani dhibaato dambe ku dhacdo waana in sida ugu fudud ee sida ay dadka  inala shaqaynayaa ay u soo dhigeen aynu hawshaasi u fulino. Oo ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi.”
     
    Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu Madaxweynaha ka dalbaday in xoriyadoodii loo soo celiyo dadkii lagu xidh xidhay mudaharaadyadii dhawaan ka dhacay dalka, waxaanu yidhi “Waxa jira dad wax allaale iyo waxay geysteen jirin, oo xidhan, markii ay ina dhex socdeen heshiiskana waxa jiray balan qaadyo badan oo ah in dadkaasi la sii daynayo. Waa in xoriyadooda loo soo celiyo waayo ummadda ayay ka mid yihiin waa inay inala qaataan xoriyada iyo is fahamka. Waxaan jecelahay Madaxweyne Inaad dadkaasi xoriyadooda dib ugu soo celiso, wixii aan dambi gaysan.”
     
    Guddoomiyaha UCID:

    Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo xafladii lagu kala saxeexanayay heshiiskaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa horta dadkii ka soo shaqeeyay heshiiskan aan kala saxeexanayno oo gudaha iyo dibadaba aad looga soo shaqeeyay, waxa maanta xisbiyada looga baahan yahay inaynu khilaafkii ku bedelaa wada shaqayn, oo aynu shakigii dhexdeena ku bedelnaa is aaminaad.
     
    Xil weyn ayaa ina saaran waxaan ilaahay ka baryayaa inuu inoo fududeeyo. Waxaana xilkaasi aynu ku gaadhaynaa niyad sami iyo daacadnimo. Waxaan jecel nahay in aan sida ugu dhakhsaha badan u gaadho doorasho wanaagsan.
     
    Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaale ayaa hadal ay xafladaasi ka jeediyeen waxay dhinacyada heshiiska kala saxeexday ku booriyeen kuna adkeeyeen dhaqan gelinta heshiiskan oo ay xuseen in lagaga baxay khilaafaadkii adkaa ee ka aloosmay dalka.
     
    Sidoo kale, Safiir ku Xigeenka Ingiriiska u Fadhiya Addis Ababa Mr. John Marshal iyo Sarkaal sare oo ka socday  Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya ayaa hadal ay ka jeediyeen xafladaasi waxay xukuumada iyo axsaabta mucaaridka ah ku bogaadiyeen sida ay u soo afjareen khilaafaadkii siyaasadeed isla markaana ay ku qanceen heshiiskii beesha caalamka ee taageera qadiyada Somaliland ay soo hordhigeen dhinacyada siyaasada.
      
    Qodobada heshiiskan la kala saxeexday waxa ka mid ah in Komishanka doorashooyinka qaranka wax laga bedelo si loo soo dhiso kalsoonidii lagu qabay, in diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee la laalay dib loogu noqdo oo la kala shaan dheeyo si looga soo saaro liis xalaal ah oo lagu galo doorashooyinka iyo qodobo kale.

    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: