SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • FAYSAL CALI WARAABE: “Sheekh Shariif iyo Xasan Daahir Aweys waxaan leeyahay caqli keena dadka dhimanayaa waa dadkiiniiye”

    Posted by Sawnews.tk on September 30, 2009

    feysalHargaysa (SAWNEWS): Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa baaq u diray Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed iyo Guddoomiyaha Kooxda Xisbul-Islaam Xasan Daahir Aweys. Waxaanu sheegay in ay iyagu Xisbi ahaan haddii ay talada dalka qabtaan ay ku xukumi doonaan Shareecada Islaamka.

    Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Waraysi dheer oo uu shalay siiyay Shabakadda Wararka ee Hiiraan Online, kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya. Waxaanu sheegay in iyagu Xisbi ahaan ay xoojin doonaan ku-dhaqanka Shareecada Islaamka ee Somaliland.

    “Waxaanu doonaynaa in aanu xoojino Shareecada Islaamka, waayo Hoggaamiyuhu waa in uu noqdaa Amiirka Muslimiinta, mana kala baxayaan labadaasi. Cidda tidhaahda kala saara, waa cid kufrinimo inoo horseedaysa. Markaa waxaanu doonaynaa in Kitaabka Ilaahay soo dejiyay iyo Sunnaha Rasuulka (CSW) dalkan lagu xukumo, laakiin, taa macnaheedu maaha Kiristankaan dilayaa oo waan is-qarxinayaa. Diinta Islaamku waa tii u dambaysay ee Diimaha, waxay soo jiidataa dadka kale. waayo, waa in qofka aan Diintaada haysan ay soo jiidataa. Laakiin, waan is-qarxinayaa oo Janno ayaan tegayaa Diinta Islaamku ma sheegayso.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

    Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya waqtigan ku sugan tahay. Waxaanu baaq u jeediyay dhinacyada Dagaalku dhex marayo. “Soomaalidu maanta waa Umadda ugu liidata Afrika oo ah tii la doonayay inay noqoto ta ugu hormarsan Dunida oo ah mid isku Af ah, isku Diin ah iyo dhaqan ah. Dal laguma dhisi karo isku Af baynu nahay ee waxa lagu dhisaa isku aragti baynu nahay..Walaalahayo (Soomaaliya) maaha maanta inay is-dilaan oo ay isku dilaan Diin, waayo dhammaantood waa Muslim. Maaha inay isu-soo-kaxaystaan Afrikaan, maaha in Qaramada Midoobay tidhaahdo midna waxaan u ogolahay Kitaabka, midna uma ogoli ama uu Axmed Walad Cabdallah (Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya) uu dawlad u dhiso, balse waa inay iyagu Dawlad dhistaan oo ay is-ogolaadaan oo ay halka hoose ka soo dhisaan oo Beeshan ugu ballaadhan ee Banaadir degaa ay la yimaadaan Caqli oo ay Beelaha kalena ajandihii ay ula tegi lahaayeen keenaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiin, maalinba nin baa la odhanayaa dushaa lagaa saaraya oo Anigaa Kitaab wata oo kugu xukumaya. Midda kale, sawtii Beesha Caalamku diidaysay (Xukunka Kitaaabka) maalintii ay (Maxaakiimtu) 6-da bilood haysteen ee ay Nabadda dhaliyeen.”

    Guddoomiyaha UCID wuxuu si gaar ah baaq ugu diray Guddoomiyaha Kooxda Xisbul-Islaam Xasan Daahir Aweys iyo Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed. “Waxa weeye, Caqli keena oo Daahir Aweys iyo Sheekh Shariif laba Nin oo Dagaal soo wada galay weeye oo isku Beel ah, maantana cidda dhimanaysaa waa dadkoodii. Kuwa Somaliland sheeganaya ee Wasiirada u ah cidi kama dhimato, ka Ra’iisal-Wasaaraha ah (C.C.Cali Sharma’arke) ee Boosaaso ka yimi cidi kama dhimato..dadka maanta qaxay ee Biyaha la siinayo ee Adduunyadu ku qaylinayso waa dadkoodii. Maxaa keenay in Wasiir dadkiisu nabad yahay oo uu Shidaal qodanayo aad dadkaaga ugu laynaysaa. Waxaan leeyahay Sh. Shariif iska ilow Dawladda oo iska dhig oo la shir Dadkaaga. Waayo, Kitaabka Ilaahay iyo Sunnaha Rasuulku waa mid kaliya..Iyada oo aanay Soomaaliya wax noqon ayay Somaliland u hanqal-taagayaan.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciayy oo uu yidhi, “Waxaan leeyahay, haddii ay Soomaalinimadu dhab idinka tahay heshiiya. Laakiin, iyaga oo Xaafad-Xaafad isku dilaya in ay Magacii Soomaali wataan waa ayaan-darro oo Magacii Soomaali ayay baabiiyeen. Waxaan ugu baaqayaa inay Dhiigga daadanaya iska joojiyaan oo ay iska saaraan ka leh Mujaahid baan ahay iyo Afrikaanba oo danihiina u heshiiya oo arrimihiina dhammaysta. Dadkiinana ka daaya hoogga iyo ba’a.”

    Barkhad  M. Kaariye  Hiiraan Online
    barqad@hiiraan.com
    Hargeisa, Somaliland

    Arbaco, 30 September 2009 (HOL): Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa baaq u diray Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed iyo Guddoomiyaha Kooxda Xisbul-Islaam Xasan Daahir Aweys. Waxaanu sheegay in ay iyagu Xisbi ahaan haddii ay talada dalka qabtaan ay ku xukumi doonaan Shareecada Islaamka.

     

    Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Waraysi dheer oo uu shalay siiyay Shabakadda Wararka ee Hiiraan Online, kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya. Waxaanu sheegay in iyagu Xisbi ahaan ay xoojin doonaan ku-dhaqanka Shareecada Islaamka ee Somaliland.

    “Waxaanu doonaynaa in aanu xoojino Shareecada Islaamka, waayo Hoggaamiyuhu waa in uu noqdaa Amiirka Muslimiinta, mana kala baxayaan labadaasi. Cidda tidhaahda kala saara, waa cid kufrinimo inoo horseedaysa. Markaa waxaanu doonaynaa in Kitaabka Ilaahay soo dejiyay iyo Sunnaha Rasuulka (CSW) dalkan lagu xukumo, laakiin, taa macnaheedu maaha Kiristankaan dilayaa oo waan is-qarxinayaa. Diinta Islaamku waa tii u dambaysay ee Diimaha, waxay soo jiidataa dadka kale. waayo, waa in qofka aan Diintaada haysan ay soo jiidataa. Laakiin, waan is-qarxinayaa oo Janno ayaan tegayaa Diinta Islaamku ma sheegayso.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

    Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya waqtigan ku sugan tahay. Waxaanu baaq u jeediyay dhinacyada Dagaalku dhex marayo. “Soomaalidu maanta waa Umadda ugu liidata Afrika oo ah tii la doonayay inay noqoto ta ugu hormarsan Dunida oo ah mid isku Af ah, isku Diin ah iyo dhaqan ah. Dal laguma dhisi karo isku Af baynu nahay ee waxa lagu dhisaa isku aragti baynu nahay..Walaalahayo (Soomaaliya) maaha maanta inay is-dilaan oo ay isku dilaan Diin, waayo dhammaantood waa Muslim. Maaha inay isu-soo-kaxaystaan Afrikaan, maaha in Qaramada Midoobay tidhaahdo midna waxaan u ogolahay Kitaabka, midna uma ogoli ama uu Axmed Walad Cabdallah (Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya) uu dawlad u dhiso, balse waa inay iyagu Dawlad dhistaan oo ay is-ogolaadaan oo ay halka hoose ka soo dhisaan oo Beeshan ugu ballaadhan ee Banaadir degaa ay la yimaadaan Caqli oo ay Beelaha kalena ajandihii ay ula tegi lahaayeen keenaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiin, maalinba nin baa la odhanayaa dushaa lagaa saaraya oo Anigaa Kitaab wata oo kugu xukumaya. Midda kale, sawtii Beesha Caalamku diidaysay (Xukunka Kitaaabka) maalintii ay (Maxaakiimtu) 6-da bilood haysteen ee ay Nabadda dhaliyeen.”

    Guddoomiyaha UCID wuxuu si gaar ah baaq ugu diray Guddoomiyaha Kooxda Xisbul-Islaam Xasan Daahir Aweys iyo Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed. “Waxa weeye, Caqli keena oo Daahir Aweys iyo Sheekh Shariif laba Nin oo Dagaal soo wada galay weeye oo isku Beel ah, maantana cidda dhimanaysaa waa dadkoodii. Kuwa Somaliland sheeganaya ee Wasiirada u ah cidi kama dhimato, ka Ra’iisal-Wasaaraha ah (C.C.Cali Sharma’arke) ee Boosaaso ka yimi cidi kama dhimato..dadka maanta qaxay ee Biyaha la siinayo ee Adduunyadu ku qaylinayso waa dadkoodii. Maxaa keenay in Wasiir dadkiisu nabad yahay oo uu Shidaal qodanayo aad dadkaaga ugu laynaysaa. Waxaan leeyahay Sh. Shariif iska ilow Dawladda oo iska dhig oo la shir Dadkaaga. Waayo, Kitaabka Ilaahay iyo Sunnaha Rasuulku waa mid kaliya..Iyada oo aanay Soomaaliya wax noqon ayay Somaliland u hanqal-taagayaan.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciayy oo uu yidhi, “Waxaan leeyahay, haddii ay Soomaalinimadu dhab idinka tahay heshiiya. Laakiin, iyaga oo Xaafad-Xaafad isku dilaya in ay Magacii Soomaali wataan waa ayaan-darro oo Magacii Soomaali ayay baabiiyeen. Waxaan ugu baaqayaa inay Dhiigga daadanaya iska joojiyaan oo ay iska saaraan ka leh Mujaahid baan ahay iyo Afrikaanba oo danihiina u heshiiya oo arrimihiina dhammaysta. Dadkiinana ka daaya hoogga iyo ba’a.”

    Hargeisa, Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: