SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Beesha Caalamka oo goob-joog ka ahayd Heshiis ay wada-jir u saxeexdeen Madaxweyne Rayaale iyo labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad ee Somaliland (DAAWO SAWIRO)

    Posted by Sawnews.tk on September 30, 2009

    Saxeexii-Lixda-qodob-150x150Hargaysa (Sawnews): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo labada Guddoomiye Xisbi ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo KULMIYE Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa maanta si wada-jir ah Qalinka ugu duugay Heshiis ay hore u aqbaleen oo ay soo hordhigeen Beesha Caalamku.

    Munaasibadda kala saxeexashada Heshiiskan ayaa waxa goob-joog ka ahaa Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan ee Somaliland ee Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Weftiyo kala duwan oo Beesha Caalamka ka socday, isla markaana ay metelayeen Wefi ka socda Dawladda Ingiriiska oo uu hoggaaminayo Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya iyo sidoo kale Wefti ka socda Dawladda Itoobiya.

    Inkasta oo Warbaahinta ay ka mid yihiin Shabakaddaha Internet-ku ay dibedda ka joogeen Munaasibaddan, haddana Heshiiskan waxa  Xisbiyada Siyaasadda u metelayay, isla markaana iyagu saxeexay  Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah guddoomiyaha UDUB, Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Waxaanay Masuuliyiintan oo halkaa ka hadlay u mahad-naqeen Beesha Caalamka iyo Ururada Bulshada Somaliland ee ka qayb-qaatay dedaalladii wada-hadalladii lagu xallilayay khilaafaadka dalka.

    Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya Mr. John Marshall iyo Madaxa Shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya oo horkacayay Weftiga Itoobiya ka socday. Waxaanay dhinacyada Heshiiska kala saxeexday ugu baaqeen inay hirgeliyaan oo ay fuliyaan Heshiiskan.

    Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyayaasha labada Aqal Baarlamaan ee Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada. Waxaanay mahad-naq u jeediyeen Beesha Caalamka iyo Bulshada Somaliland. waxaanay dhinacyada Siyaasadda ugu baaqeen inay hirgeliyaan heshiiskan. Saxeexa-MadaxweynahaSaxeexii-Lixda-qodobSaxeexa-Siilaanyo

    saxeex

    Saxeexa-Faysalsaxeexa

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: