SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xaflad Lagu Taageerayay Go’aankii Guurtida oo ka dhacday Boorama..Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on September 29, 2009

    DSC01186

    Borama (Awdalpress) 28 Sept.09– Xaflad lagu taageeray Go’aankii golaha guurtidu gaadhay 25 bishan ayaa ka dhacday magaalada Borama, xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen haweenka magaalada Boorama, waxaa ka soo qayb galay Wasiirka warfaafinta Axmed xaji Dahir, Xildhibaano, Madaxdhaqmeedo iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaa ugu horayn halkaas ka halay Duqa Magaalada Borama C/raxmaan Shide oo sheegay in goaankaasi ahaa mid dalka badbaadshay ayna aad ugu mahadsan yihiin golaha guurtidu. 
     
    Salaadiintii iyo madax dhaqmeedkii halkaas ka hadlay waxa ka mid ahaa Suldaan Xasan xadi Baade oo isagu sheegay in golaha guurtidu amaan mudan yahay, dadkiina ka saaray khalkhalkii ku beermay, waxa isna halkaas ka hadlay Barkhad Xai Cumar Khayre oo u mahadceshay soo qabnqaabiyayaasha xaflada, waxa kale oo sheegay in Xisbiyadii dalku ku heshiiyeen go’aankaas isla markaana ay u dirayaan guurtida Amaan iyo ducaba.
     
    Wasiirka Warfaafinta Axmed xaaji Daahir oo isagu u yimid xafladan oo lagu martiqaaday ayaa u mahadceshay haweenka soo qaban qaabshay, waxa kale oo amaanay dadka reer Borama sida ay ugu samreen dhintii soo gaadhay, waxa uu intaas ku daray in ay reer Awdal yihiin tiirka Somaliland haya, wuxuu intaas ku daray in Awdal ay imika tahay Sodoh maadaama ay hogaanka dalka hayaan, wuxuu amaanay golaha guurtida oo ku tilmaamay cida maanta halkaas dalku marayo soo gaadhsiisay, go’aankana ahaa mid soo afjaray muranadii jiray. DSC01183DSC01181DSC01186

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: