SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Waxyiga Ku Soo Degey Madaxda Xisbiyada Mucaaridka By: Mohamed Mouse

    Posted by Sawnews.tk on September 29, 2009

    big questionWaxa la yaab mudan in maanta loo dabaaldego waxyiga ay Dowlada Ethiopia ku soo dejisay Xisibiyada Mucaaridka iyo Xukuumadaba. Lixda waxiyi maxaa cusub oo mucjisa ah baa mise waa wax la wada ogaa laakiin la is garab marinaayay?

    Waxaa mudo badan laga doodaayay in Serverka howshiisa la dhameeyo, Komishanka Doorashooyinka la habeeyo, in ay wada xaajoodaan xisbiyado, iyo in la sugo maalinta codbixinta.  Waxay xisbiyadu garanwaayeen ma ahayn. Xisbiyada Kulimye iyo UCID waxay danmoodeen moran, xin, qas abuur, xumaan ka talis iyaga oo u malaynaayay in ay ku kasbanyaan codad.  Shirqoola badan bay isu dayeen in ay u meel maraan, hase yeeshe waxay la gashay meel cidhiidhi ah oo cudurdaar la hayn. Waxay raadinayeen cudur daar iyo cid badbaadisa.

    Xisbiyada mucaaridku, khaas ahaan xisbiga Kulmiye, markii ay arkeen in dadwaynuhu ku baraarugay qayla dhaantooda oo ay fahmeen khatarta xisbiyadaasi  soo wadaan, waxay madaxda xisbiyaasi  ku cuslaatay sidii ay u raali gelin lahaayeen dadwaynaha oo ay u badbaadin lahaayeen magacooda. Madaxdaasi iyga oo ay ka castahaybaa waxyigani ku soo degay. Waxa khasab ku noqotay wixii ay horey ugu diideen Xukuumada, Guurtida, Golaha Wakiilada, iyo talada shacbiga, iyo in badan oo ka mid ah indheer garatka Somaliland in ay sexeexaan bilaa shuruud.

    Lixda qodob ee horey loo qorsheeyay ee maanta ay ka ogolaadeen xisbiyada mucaaridku dad iyo dawlado shisheeye waxay cay ku tahay dhamaan siyaasiinta, indheer garata , iyo dadwaynaha Somaliland.  Qof kasta oo danaynaaya Somaliland wuxuu ogaa  in ay fududayd xalka siyaasadeed. Hase yeeshee madaxda xisbiyadu iyaga u xininaaya Madaxeyne Rayaale ay wadanka halis geliyeen.

    Somalidu waxay ku mahmaahdaa HUBSIIMO HAL BAA LA SIISTAA ee ma la hubaa in Siilaanyo iska dhaafaayo qabka, xinka, xoog iska badinta, iyo aniga uun baa wax hagaajin karada? Ma la inaga hubaa in madaxda xisbiyada mucaaridku aanay ka noqon qodobadaas si kastaba ha u yimaadeene? U malayn maayo in ay sidaas ku aamusayaan, laakin an filanyo khayr.

    By Mohamed Mouse

    Ottawa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: