SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Hoggaamiyeyaasha Labada Xisbi Mucaarad oo Jawaabo ka Bixiyey Hadal ka soo Yeedhay Guddoomiyaha Komishanka

    Posted by Sawnews.tk on September 29, 2009

    SiilaanyoFaysalHargaysa (Sawnews)- Hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa jawaabo ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Mr. Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden), kaasoo uu ku sheegay in aanay jirin cid ka eryi karta shaqada Komishanka.

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo Jamhuuriya xalay fiidkii khadka telefoonka ugu warramayey, ayaa sheegay in Komishanka iyo xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale masuul ka yihiin in beesha caalamku soo farogeliyaan maamulka hawlaha doorashooyinka Somaliland.

    Ugu horreyn, Faysal Cali-waraabe oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey aragtidiisa ku wajahan hadalkii Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinku ku sheegay in xubnaha Komishanku fadhiyaan hab-beeleed, waxa uu yidhi; “Horta anigu cidna u jawaabi maayo, laakiin waxa weeye Komishanka Doorashooyinku beelo kumay iman oo qaabka loo soo xulayo xeer ayaa qeexaya, shuruudo ayaana laga rabaa qofka la soo xulayo, waxana loo magacaabay inay daadihiyaan hawlaha qaranku u igmaday ee la xidhiidha doorashooyinka, taasna waxa muuqata in ay ku fashilmeen oo marka hore dhexdooda ayey heshiin waayeen.

    Guddoomiyihii saddexaad ayey marayaan, musuqmaasuq ayey ku kaceen oo maalin walba waxa xarunta Komishanka hortuban shaqaale iyo dad lacagtoodii laga lunsaday.

    Komishanku wuxuu ku guuldarraystay inuu ka shaqaysiiyo mishiinkii seerfarka oo ah ka dhibaatada oo dhan ka dhacday. Komishanku adduunka oo dhan ayey madaxa isu geliyeen, waxayna lumiyeen kalsoonidii xisbiyada iyo deeqbixiyeyaasha, markaa waxay ahayd in ay mar horeba iscasilaan, dalkana waxa khatarta geliyey Komishanka, ceebtana lama wada laha, si dhaqso ahna waa loo beddeli doonaa.”

    Faysal Cali-waraabe oo la weydiiyey waqtiga la gudo-gelayo hirgelinta heshiiska lixda qodob ah ee laysla qaatay oo beddelka xubnaha Komishanku ka mid yahay, waxa uu ku jawaabay; “Horta maalmo yar ayaa ka soo wareegay go’aankii Guurtida, saddexda xisbi qaranna imminka ayey hawlahooda bilaabayaan, shuushkiina wuu baxay oo waxa laga wada shaqaynayaa sidii doorashadu innoogu qabsoomi lahayd, wax-wada-qabsi ayaana bilaabmay.

    Muddada Madaxweynaha ee dadka qaarkii leeyihiin way daba furan tahay wax jira ma aha oo sharci sheegayaa inay muddada madaxweynuhu daba furnaato ma jiro, dadka sidaa u hadlayana uma qurux badna oo waxa ka fiican inay aqoontu ina hagto. Muddada xilka madaxweynuhu dabada ayey ka furan tahay wax caqliga galaya maaha.

    Muddada hawshaas la gudo-gelayo ma sheegi karo oo dalku cadow badan ayuu leeyahay, laakiin waxaan kuu sheegayaa in ay sida ugu dhaqsaha badan u iman doonaan qolooyinkii deeqbixiyeyaashu, adduunkuna maanta shisheeye iyo sokeeye ma kala laha oo kolba intii dano ka dhexeeyaan ee isku marxalado ah ayaa wada shaqeeya, markaa shisheeyaha ayaa ina maamulaya oo laynoo gacan-geliyey; ka daaya ayaan idin odhan lahaa oo qolooyinkiina saxaafaddu oo dadka si fiican wax ugu sheega, kana dhaadhiciya in adduunku isu wada baahan yahay oo aan la kala maarmi karayn.”

    Mar la su’aalay Guddoomiyaha UCID in beddelka xubnaha Komishanka Doorashooyinku waqti badan qaadan karo oo dib-u-dhac ku keena doorashada, waxa uu yidhi; “Beddellaadda Komishanku waqti badan qaadan mayso oo dhinacyada oo dhami waa u diyaar beddelkooda oo xataa ilaa islaanta miyiga joogta ayaa doonaysa in Komishanka la beddelo, dadka oo dhanna wuu soo gurmaday, waxana laysku raacay arrintaas, markaa wax waqti-lumis ah oo ay keenaysaa ma jirto, dadka qayrul-masuulka ah ee sidaa u hadlayana in wax laga qoro maaha eel eh qabiilooyin baannu ku joognaa in saxaafaddu wax qorto ma aha.”

    Eng. Faysal Cali oo ka hadlayey aragtida odhanaysa doorashooyinka Somaliland shisheeye ayaa maamulaya sidii Ciraaq iyo Afghanistan oo kale, waxa uu yidhi; “Magac-xumadaa waxa inoo soo jiiday waxa ka mid ah Komishanka Doorashooyinka jilicdasan ee musuqmaasuqa ah, waxana hadda laga ilaalinayaa inay fadhataystaan alaabtii Komishanka iyo qalabkii ay ku shaqaynayeen sida kombiyuutarradii laabtobyada (Laptob) ahaa; waxa ku xiga xukuumaddan hadda jirta oo markii sannadka loo kordhiyey iska seexatay, markii lixda bilood loo kordhiyeyna khuuro dheer sii gashay, markaa waxay ku fashilmeen inay muddadaas doorasho ku qabtaan, taasina waa ta keentay in beesha caalamku inoo soo gurmato.”

    Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagana Jamhuuriya khadka telefoonka ku weydiiyey xalay sida uu u arko hadalka Jaamac Sweden iyo mowqifka xisbigiisu ka taagan yahay beddelka xubnaha Komishanka Doorashooyinka, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; “Qoladan Komishanka aad ayaa loo ogyahay inay hawshii loo dhiibay ku fashilmeen, khilaafka jira ee doorashooyinka muddada badan dib u dhigayna qayb ayey ka lahaayeen, waana arrin lagu qoslo haddii Guddoomiyaha Komishanku yidhi cid na eryi kartaa ma jirto, sida ugu dhakhsaha badan ayaana loo beddelayaa, hawshoodiinaa waa lagu jiraa maadaama ay qayb ka yihiin lixdii qodob ee beesha caalamku soo saartay, xisbiyada qarankuna isku raaceen oo qodobka ugu weyn ahaa in komishanka la beddelo, markaa sida ugu dhaw ayaa loo beddelayaa oo hawshooda loo gudo-galayaa.”

    Guddoomiyaha KULMIYE oo la waydiiney inuu sheegi karo wakhtiga si rasmi ah hawlahaa la gudo-galayo ee deeqbixiyayaashuna dalka imanayaa, waxa ku jawaabay; “Qoladii deeqbixiyayaasha xidhiidh ayaa noo socda oo hawshoodii way dhan tahay, waxay hadda diyaarinayaan heshiiskii isfahamka guud ahaa (Memorandum of understanding), laba ilaa saddex maalmood kadibna Hargeysa ayey imanayaan oo heshiiskaas lagu kala saxeexanayaa, waana la isku wada arkayaa oo qolooyinkaas ka socda deeqbixiyayaashu waxay markhaati ka noqonayaan heshiiska la saxeexayo, markaa hawshu si fiican ayey u socotaa.”

    Axmed-Siilaanyo ka jawaabayey su’aal ahayd; qiyaas ahaan wakhtiga hawsha seerfarka la bilaabi doono iyo muddada uu qaadanayo maadaama muddo-kordhinta xilka Madaxweynaha lagu saleeyey, waxa uu yidhi; “Horta hawluhu way isdaba socodaan, qaarna way is-barbar soconayaan si wakhtiga looga gaadhsiiyo, marka hore heshiiskii ayaa la saxeexayaa. Arrinta komishanka ayaa la gudo-galayaa, sidaas ayey hawluhu u soconayaa. Arrinta Serfarka markii hore INTERPEACE waxay tidhi wuxuu qaadan karaa afar ilaa shan toddobaad, markaa iminkana sidaa ayey noqonaysaa oo kolleyba inta la isla eego oo qolooyinka khubarradu eegaan ayaa la sheegi doonaa muddada ay qaadanayso.”

    “Annagu wax werwer ah oo aannu ka qabnaa ma jirto oo ciddii awalba dhexdhexaadinta wadday ayaa ku jirta, waxana lagu hawlan yahay iminka sidii hawlahaas loo hirgelin lahaa, kolleybana sida ugu dhakhsaha badan ayaa loo hawlgeli doonaa,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

     Jamhuuriya online

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: