SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • “ Sigashadii iyo Dadweynihii Kacay Wuxuu Sababay in Xiskii inagu soo Noqdo, waxa kale oo uu Sababay in Adduunweynihii inoo soo gurmado” Gudd. Guurtida Md. Saleebaan M. Aadan

    Posted by Sawnews.tk on September 29, 2009

    saleebaanHargeysa(Sawnews) Sept. 29, 2009 Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa madaxda Goleyaasha iyo asxaabta Dalka ugu baaqay in aanu dalka mar kale ka aloosmin khilaafaadkii Somaliland gilgili gaadhay dhawaan ee xalka laga gaadhay.

    Guddoomiyuhu wuxuu sidaa ka sheegay hadal dardaaran ahaa oo uu Fadhigii Golaha ka jeediyey maanta, isagoo ka xog waramaya culayskii ay lahayd hawshii xal u helida khilaafaadka, wuxu yidhi:

    “Waynu ka wada warqabnaa maalmihii ugu dambeeyay ee aynu wadnay xal u helida  khilaafaadka dalka dhexyaala, khusuusatan madaxda qaranka la kala reebi maayee khilaafaadkii madaxda dalka u dhaxeeyay ama golaha xukuumada iyo wakiillada ha ahaato ama golayaasha qaranka ha noqdeene ama inaga (Guurtida) dhexdeenaba ha ahaatee waxay ina gayaysiisay inuu  bulshada saameeyo oo weynu isku siganay oo Ilaahay baa ina kala badbaadiyay oo inoo soo gurmaday walaahay waynu siganay, isku dhac caadi ahi haddii uu yimaadana Somaliland, Soomaaliya kama ay sokeyseen. Horta haddii khilaafaadka madaxda aynaan daweyn.”

    Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu sheegay inuu casuumad isu soo dhaweyn ah u fidiyay madaxda golayaasha isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anigu ka guddoomiye ahaan iyo ka qof ahaanba waxan inagu casuumayaa madaxda golayaasha ha noqoto ama gole walba dhexdiisa ha noqotee inaynu khilaafka iskaga nimaadno daweynana, oo wada shaqayntii sidaasi ku timaado inagoo gacmaha is haysana aynu ku dhaqaaqno wixii horumar ah waan ku dhaqaaqayaa in aan arrintaa ka shaqeeyo kollay aniga iyo shirgudoonku.”

    Guddoomiyuhu wuxuu golayaasha qaranka kula dardaarmay “Waar waynu siganay oo Ilaahay baa ina badbaadshaye yaanay mar dambe dib u dhicin khilaaf kale,” ayuu yidhi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu intaasi uu ku daray “Saddexda xisbi ee qaranka khilaafaadka qayb aad iyo aad u weyn ayay ku lahaayeen iyo cudurka inoo yaalla, waxaanu ka codsanaynaa saddexda xisbi inay gartaan waxaynu dhammaanteen u adeegaynaa sidii loo heli lahaa bulsho midaysan oo horumar hiigsanaysa, isku sigashadii iyo dadweynihii kacay wuxuu sababay in xiskii inagu soo noqdo, waxa kale oo uu sababay in adduun weynihii inoo soo gurmado, xataa inaga (Guurtida) ayaa gaadhnay heer aynu wada hadli weyno oo aynu miis soo wada fadhiisano Ilaahayoow ha inagu celin, adduun weynihii soo gurmaday waxay inoola yimaadeen 6 qodob oo saddexda xisbiba way ogolaadeen waxaanu leenahay ilmaadeerayaal fuliya.”

    Guddoomiyaha guurtidu wuxuu sheegay in khilaafaadkii dalku sababeen abaaro ba’an oo dalka ku dhuftay oo loo gurmaan kari waayay shacbigii ay saamaysay.

    Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu golaha guurtida oo isku dhan uu martiqaad turxaan bixin ah u fidin doono Golaha.

    “Wada fadhiisi golaha oo isku dhanoo aan ahayn xarunteenan ee aynu meel kale aynu kiraysano oo horta aynu isa saamaxno, saamaxaaduna carabka ma ahee waa caloosha,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

    Dhinaca kale, Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyay in Xildhibaanadu ay galaan fasax laba bilood ah, ka dib markii goluhu cod u qaaday. Waxaana ogolaaday fasaxaasi 55 Mudane, halka hal Mudane diiday, Guddoomiyuhuna muu codayn.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: