SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Koomishanka Doorashoyinka Qaranka oo ku kala Qaybsamay Heshiiska Xisbiyada ee Wax ka Bedelkooda

    Posted by Sawnews.tk on September 28, 2009

    electionHargaysa(Sawnews)Xubnaha gudiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa la sheegay inay ku kala qaybsan yihiin Qodobka la xidhiidha wax ka badalka Gudiga Doorashooyinka Qaranka ee ku jiray heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee dhawaan beesha caalamku ku soo afjartay khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka aloosmay, oo ku jiray in Komishanka la badalo.

    Ma jiro war rasmi ah oo amuurtan xaqiijinteeda la xidhiidha oo ka soo baxay gudiga doorashooyinka Qaranka, hase ahaatee warar aanu ka helnay ilo ku dhaw dhaw Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa tibaaxaya in todobada xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranku ka kooban yahay ay ku kala qaybsan yihiin Qodobka la xidhiidha in wax ka badal lagu sameeyo gudiga doorashooyinka Qaranka.

    Wararku waxa kale oo ay intaasi ku darayaan in xubno ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Jaamac Maxamuud Cumar (Swedem) iyo ku xigeenkiisa Cali Biikalo ay ku doodayaan sharci ahaan inaanay jirin cid xaq u leh inay badasho Xubnaha komiishanka.

    Isla markaana aanay diyaar u ahayn iyagu  inay iskood isaga casilaan xilka iyo xubinimada Gudiga doorashooyinkaba, hase ahaatee waxaa la sheegay inay jiraan xubno gudidaas ka mida oo diyaar u ah inay iskood isu casilaan, kuwaas oo iyagu rumaysan sida la sheegay inay heli doonaan fursad kale oo dib loogu soo magacaabo. Maadaama ay isku arkaan inaanay wax luga ku lahayn arimaha sababay in wax ka badal lagu sameeyo todobada xubnood ee gudiga Doorashooyinka Qaranku ka kooban yahay.

    Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in gudoomiyaha Komiishanka Jaamac Sweden   iyo Ku xigeenkiisu Cali Biikalo ayaa intii ay soo baxeen heshiiska lixda qodob ka kooban  ee beesha caalamku ku soo afjartay khilaafkii ka taagnaa dalka SL ay wadeen dhaqdhaqaaqyo beelaysan oo ay doonayaan inay beelahoodu culays ku saaraan masuuliyiintii hore u soo magacawday si ay uga hor tagaan erigooda.

    Jamhuuriya,

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: