SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Jaamacada EElo America maanta Xaflad Soo Dhawayna U qabatay Sanad Waxbarasheedka Cusub Academic year 2009/2010 (Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on September 28, 2009

    eelo-american-university-13.JPGBorama(Sawnews) Munaasabad si aada loo soo agaasimay ayaa maanta waxa ay ka dhacday Mana Guest Hotel oo ku yaala magaada Boorama, Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas’uuliyiin waxbarashada ee heer Qaran, gobol iyo heer Degmaba, Salaadiin , Aqoonyahan ,Culamawadiin, iyo Marti sharef kale.

    Munaasabadan ayaa waxaa kaloo halka joogay tiro badan oo ardaydii soo dhamaysatay Sanadka Afaraad ee Dugisyada Sare.

    Munaasabada ayaa waxa lagu furay aayado quraan ah .

    Waxaa quraanka ka bacdi hadalka qaatay Pro: Maxamed Colhaye Waabari, waxa uu mahadnaq usoo jeediyay ardayda iyo marti sharafta kale ee ka soo qaybgashay munaasaban waxa kale oo uu ka waramay jaamacadan qaybeheeda kala duwan iyo waxa lagu dhigo iyo sida ay waxbarashada u tayayn lahaayeen.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Duqiii hore ee magaalada Boorama Md. Ibraahim Magan Nuur Mahadnaq balaadhan ka bacdi waxaa uu ku dheeraaday Horumarka uu gaadhay labadan gobol Dawladii Siyaad Barre ka bacdi isaga oo sheegay inuu dhiniica waxbarashada Horumar ka gaadhay iyo caafimaadka waxa kale oo uu mahadnqay Ilma xaashi Abiib oo ahaa udub dhaxaadkii Jaamacadahan ka Jira Degmadan Borama.

    Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Suldaan Daahir( Taajaro) Suldaanku waxa uu u mahadnaqay Marti sharaftii meesha iskugu timid iyo qaban qaabiyaashii munaasabadan, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi aqoontu waxa ay ubaahan tahay Furfurnaan, Cadaalad, Qabyaalad La’aan, Colaad Lo’aan, Gaajo iyo dimuqaraadiya.

    Sidoo kale waxaa ka hadlay halkaa Xildhibaan Abiib Cabdi Good oo sheegay inay muhiim tahay in waxbarashada la tayeeyo Aqoontuna waa nuur jahliguna waa Mugdi.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada Eelo American University .

    Pro: Maxamuud Xuseen Cigeh waxa uu sheegay inay sanadkan ku soo biirin doonaan Qaybo Cusub Sida Languageska iyo Mechanical Engeneering, sidoo kale waxa uu sheegay inay luqada franceckana bilaabi doonaan iyada oo ay dadwaynuhu codsadeen, waxa kale oo uu sheegay safarkiisii Nairobi iyo Masar udhawaan kula soo kulmay waxa uu sheegay ina ay rajo wanaagsan kala soo kulmeen

    Waxa kale oo uu sheegay in dalka jabuuti shirkad Dhismayaasha ah ka soo wada heshiiyeen inay Shanta arday ee ugu horeysa Xaga engeneerinka ay practical ku siin doonaan jabuuti.

    Waxa kale oo uu sheegay triada gabadhaha jaamacada dhigtaa iminka ay dhan yihiin 60gabdhood. Arday Dhigata Jaamacada mar uu ka hadlayay inay ka badan yihiin 300 arday ugu danbayntii waxa uu soo dhaweeyay ardayda cusub ee martida ahayd.

    Sidoo Kale ayaa halkaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha wasaarada waxbarashada Pro: Daahir Maxamuud Xaddi waxa uu ku dheeraaday waxbarasahda Iyo Ahmiyada ay bilaa aadmka iyo kownkan aan ku noolnahay, waxa sidoo kale oo uu mahadnaqay qoyskaa reer Xaashi abiib gaar ahaan Pro: C/laahi Xaashi Abiib.

    Waxa kale oo halkaa ka hadlay arday ka socday dhinaca ardayda cusub ee sanadkan u diyaara inay galaan waxa uuna umahad celiyay hawlwadeenadan jaamacada iyo cid alla cidii wax uun ka geysatay dhismaheeeda iyo horumarkeeda.

    Sidoo Kale halkaa waxaa laga soo jeediyay Gabayo iyo amaan aad ufara badan.

    Waxa kale oo halkaa lagu soo bandhigay Filmi Ducomentry filima oo ka hadlaya jaamacada iyo siyaabaha ay u shaqyso.

    Ugu danbayntii waxaa munaasabadii soo xidhay wasiirku xigeenka wasaarada waxbarashada Somaliland Mudane Ismail Muxumad isaga oo mahadnaq balaadhan u soo jeediyay jaamacada iyo cidii aasaastay waxa uuna sheegay inay taageero hiil iyo hoo la garabtaagan yihiin ka wasaarad ahaan ka dawlad ahaana ay ictiraafsan yihiin sida jaamacadaha kale ee Somaliland ku yaala.

    Run ahaantii waxaa la odhan karaa waxa ay ahayd munaasabad xiisa leh taas oo koobsatay mucaarad iyo muxaafad waxaana la odhan karaa waxa ay u fireen wado wanaagsan jaamacadaha kale ee dalka gaar ahaan Degmadan Borama.

    Ugu danbayntii halkaa waxaa lagu qaybiyay warqado xayaysiis ah oo uu qof walba kaqaatay munaasabadii iyada oo ay ubadnaaayeen waxa qaatay warqadahaa ardaydii meesha Fadhidayeelo-american-university-18.JPG
    eelo-american-university.JPG
    eelo-american-university-1.JPG
    eelo-american-university-2.JPG
    eelo-american-university-3.JPG
    eelo-american-university-4.JPG
    eelo-american-university-5.JPG
    eelo-american-university-6.JPG
    eelo-american-university-7.JPG
    eelo-american-university-8.JPG
    eelo-american-university-9.JPG
    eelo-american-university-10.JPG
    eelo-american-university-11.JPG
    eelo-american-university-12.JPG
    eelo-american-university-13.JPG
    eelo-american-university-14.JPG
    eelo-american-university-15.JPG
    eelo-american-university-16.JPG
    eelo-american-university-17.JPG
    eelo-american-university-18.JPG

    sawnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: