SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Wakiilada oo Joojiyey Mooshinka Xil ka Xayuubinta Madaxweynaha iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada

    Posted by Sawnews.tk on September 28, 2009

    wakiilada2-150x150Hargaysa (Sawnews) 43 Xildhibaan oo ka mid ah 55 xildhibaan oo maanta golaha fadhiyey ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in la joojiyo Mooshinkii xil ka xayuubinta Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa kaasi oo Goluhu Guddo galay doodiisa, arintan waxay ka danbaysay ka dib markii maanta Shirgudoonka Golaha wakiiladu Xildhibaanada u soo jeediyeen iyagoo tixgalinaya heshiiska beesha caalamka ee lixda qodob ka kooban ee ay ku dhexdhexaadiyeen xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka iyo iyagoo tixgalinaya Go’aankii Guurtida inay joojiyaan Mooshinkii ay wadeen

    Fadhigii Golaha ee Maanta oo uu Gudoominayay C/raxmaan Cirro ayuu Golaha ka hor akhriyey qoraal u dhignaa sidan:-

    Markaan tixgelinay go,aank Golaha Guurtida ee Jimcihii ( 25.9.2009) ee ay ku aqbaleen heshiiska caalamka ee Lixda qodob ka kooban dalkana ka badbaadiyey inuu galo mugdi iyo xasilooni daro

    Markuu tixgeliyey dadaalka gudaha ee ay wadeen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ee ay ka mid ahaayeen Ganacasatada, salaadiinta, Culimada, aqooyahanada iyo saxaafaddu oo ahaa in laga gaadho heshiis khilaafaadka siyaasadeed

    Markaan aragnay aqbalaadda Xukuumadda iyo axsaabta qaranka ee heshiiska beesha caalamka

    Markaan aragnay inaan heshiiskaas weli la saxeexin, saxeexiisana ka soo qayb geli doonto beesha caalamku una baahan yahay in la siiyo waqti

    Markaan garawsanay in dalku u baahn yahay in la qabto doorasho xor oo xalaal ah lana siiyo furad ay ku qabsoonto

    Markaan tixgelinay codsiga beesha caalamka ee ah in fursad la siiyo wadahadalka iyo heshiiska iyo qaban qaabada doorashada madaxtooyada

    Markaan aragnay dareenka shacbiga Somaliland ee aan wakiilka ka nahay ee farxadda leh ee ka dhashay go,aankii Golaha Guurtida

    Markaan aragnay in aan nahay Gole keliya, xil keliya leenahay, xeer keliya leenahay , magac keliya leenahay, una baahanahay in Golaha loo sameeyo turxaan bixin, is lab xaadhasho, iyo isu soo dhaweyn taasina u baahan tahay waqti ku filan

    Markaan aragnay in loo baahan yahay in waqti ay ku tashadaan la siiyo xildhibaanada watay labada mooshin

    Markaan tixgelinay danta qaranka , dareenka shacbiga iyo xaaladda cusub ee dalku galay

    Markaan tixgelinay in Goluhu galay kalfdahi caadi ah iyo laba kalfadhi oo aan caadi ahayn oo xidhiidhsan yeeshay.

    Waxaan Golaha sharafta leh u soo jeedinayaa in Goluhu galo laba (2) bilood fasax ah. Lana joojiyo sii wadista dooda laba mooshin.

    Mudanayaasha waxay heegan u noqon doonaan in la isugu yeedho mar kasta oo hawl qaran looga baahd

    Sidoo kale waxay u codeeyeen in la laalo mooshinkii ay xildhibana muxaafidku keeneen waxay kale oo ay u codayeen inay laba bilood oo fasax galaan iyagoo bari toona mudanayashaa iyo shaqalaaha Goluhu duco ku yeelan doonaan Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa

    waaheen.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: